Wafdigii Wadahadalka Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Somaliland oo la kulmay Jaalliyadda Soomaaliyeed ee Waddanka Britain.

Kulan ay soo qabanqaabiyeen safaaradda Soomaalida & Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool magaalada London ayaa waxay  ka dhacday agagaarka Lambroke Road ee magaalada London, Mudane C/samad Macallin oo hoggaaminayey wefdiga dowladda KMG ah & Ing. Feysal Cali Waraabe waxay dadkii ka soo qayb galay Kulanka ugu warameen heshiiskii hordhacca ahaa ee ay ku gareen dhawaan dalka Ingiriiska. (SAWIRO)

Waxaa ugu horreyntii halkaasi khudbad qiimo leh ka jeediyay Wasiirka arrimaha gudaha & Amniga Qaranka C/samad Macallin Max’ud oo sheegay in kulankii ay la yeesheen wefdigii ka socday maamulka Somaliland uu ahaa mid ku dhammaaday guul isla markaana kulanka xiga ay yeelan doonaan madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya & Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Axmed Max’ed Max’ud “Siilaanyo”.

Sidoo kale waxaa isna halkaasi ka hadlay Feysal Cali Waraabe oo ka socday maamulka Somaliland isla markaana aysan diidaneyn wadahadallo ay la yeeshaan walaalahood Soomaaliyeed, inkastoo kulanka ay yeesheen labada dhinac uu qaatay muddo dheer.

Dhanka kale waxaa kulankan goobjoog ka ahaa  Danjire C/qaadir Aadan Cali “Dhuub,” Guddoomiyaha Jaaliyadda Max’ed Ismaaciil Atoore iyo Qoraa sare C/casiis Cali Ibrahim “Xildhiban”, Xaawo Max’ed Xassan “Lehelow” Fannaanadda caanka ah Maryan Jaceyl & xubno kale oo fara badan, wuxuuna Kulankaas ku dhammaaday sidii loogu talagalay.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: