Sh. Shariif: Majirto wax lacag ah oo ay lunsatay dowladda KMG, lacag intaas dhan inaan helno waaba noloo diiday.

Sheikh Shariif Sh. Axmad oo saxaafadda shalay ugu warramay magaalada Nairobi ayaa waxba kama jiraan iyo been lasoo dhoodhoobay ku tilmaamay warbixinno kala duwan oo dowladda KMG ah madaxdeeda ku eedeeyay in ay lunsadeen lacago fara badan.

Sheikh Shariif ayaa sheegay in dalka Soomaaliya lagala dagaalamay in ay soo galaan lacag intaas gaaraya, isagoo sheegay in ay diyaar u yihiin in maxkamad la soo taago oo dambigii ay gashay lagu xakumo ciddii lacag qaranku lahaa lunsatay ama meel dhigatay.

Wuxuu sheegay in markasta la sheego Malaayiin lacageed oo Soomaaliya lasiiyay ama lasiin doono, hase yeeshee aysan jirin cid og ama aragtay lacagahaas, meesha ay ku dambeeyeen, isagoo xusay in ay ka gacan siinayaan cid kasta in ladaba galo meesha lacagahaasi mareen.

Wuxuu xusay in uu u taagan yahay, musharaxnimada xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya, isagoo xusay inuu ku qanacsan yahay inuu taageero iyo niyad fiican ka haysto, umadda Soomaaliyeed iyo umadaha caalamka ee arrimaha Soomaaliya daneeya intaba.

SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: