Ra’isal wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya ayaa ka hadlay waxqabadkii xukuumaddiisa, kaddib markii ay sanad jirsatay, wuxuuna R/wasaaruhu ku tilmaamay horumar lagu faano guulaha laga gaaray howlgallada dalka looga sifeynayo maleeshiyada Al-Shabaab.
R/wasaare Gaas oo wareeysi siinayey Warbaahinta ka howgesha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in waxbadan isbedeleen maantana ay tahay caasimadda dalka meel nabdoon, wuxuuna tilmaamay in dhawaqii xabbadaha ay bedeleen dhawaqa dhismaha lagu dayactirayo daariihii burburay.
R/wasaaraha oo ka hadlayey arrintaas wuxuu yiri: “waad garan kartaan farqiga u dhaxeeya markaan imaaneynay iyo hadda, waxaa la xoreeyay Muqdisho oo dhan iyo inta badan gobollada kale ee dalka, waxaana la horumariyay dhismaha ciidamada qalabka sida, mushaaraadkoodana waan bixinnaa in kastoo mararka qaar uu cillad farsamo uga soo daaho mushaarka”.
Sida runta ah hadalka R/wasaaraha ayaa imaanaya xilli ay Xukuumaddiisa sanad jirsatay, kuna tallaabsatay horumar la taabban karo oo billaaw u ah dib u dhiska Qaran burburay.
SomaliSwiss Muqdisho
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.