Magaalada Cadaado ee caasimadda Maamul goboleedka Ximan iyo Xeeb ayaa xiligan waxaa ka soconaya dib u dhis xoogan kaasi oo durbaba wax ka bedelay muuqaalka iyo bilicda magaaladaasi. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Dib u dhiskan ka soconaya magaalada Cadaado ayaa ah mid si guud magaalada uga wada socda waxaana hada magaalada lagusoo kordhiyey dhismayaal cusub kuwaasi oo iyagu qeyb ka ah waxyaabaha bedelay muuqaalkii hore ee magaalada islamarkaana soo saaray bilicdeeda.Â
Dhismooyinka hada magaalada kusoo kordhay oo u badan dabaqyo ayaa isugu jira Hoteello,goobo Waxbarasho,Isbitaallo iyo guryo waxaana sidoo kale uu dib u dhis xoogan uu ka socdaa garoonka diyaaradaha magaaladaasi oo heysta dhul baaxad leh ayadoo garoonkana loo dyaarinayo qaab casriyeysan si ay diyaaradaha waaweyn ugasoo degaan si lamid ah garoommada Caalamka.
Waxaa dib u dhiska xoogan ee magaalada Cadaado ka socda amaba dhismooyinka casriga ah ee magaalada laga hirgeliyey maal gashtay Qurba Joogta deegaankaasi kasoo jeeda oo iyagu dib ugusoo laabtay dalkooda hooyo sanadihii ugu dambeeyey.
SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Muqdisho |
You must be logged in to post a comment.