Hargeysa iyo Gaalkacyo oo laga furay Xarumo laga qaato Baasaboorka Cusub ee Soomaaliya (E-Passport).

Taliyaha waaxda socdaalka iyo jinsiyadaha dalka Soomaaliya C/laahi Gaafow oo shalay saxaafadda kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in baasaboorka cusub ee dalka loo sameeyay laga heli karo meel kasta oo ka mid ah gayiga Soomaaliya.

Wuxuu xusay in baasaboorka cusub laga soo saaro gobol kasta oo dalka Soomaaliya ka mid ah oo maamul ka jiro, sida Puntland iyo Somaliland intaba.

Wuxuu sheegay in xittaa xarumo laga soo saaro Baasaboorka cusub ee loo yaqaan E-Passport ay ka hirgeliyeen oo ku leeyihiin Gaalkacyo iyo Hargeysa.

Wuxuu xusay in shacabka Somaliland ku dhaqan ay ka heli karaan Baasaboorka cusub oo ay ka qaadan karaan xafiisyo uu sheegay in ay ka hirgeliyeen Hargeysa oo ay leeyihiin shirkado uu sheegay in ay siiyeen Qandaraasyo, kuwaas oo soo saaraya baasaboorka cusub.

Wuxuu sheegay in wixii xilligaan ka dambeeya aan loo dulqaadan doonin ciddii isticmalaysa baasaboorkii hore ee cagaarnaa, isla markaana loo aqoonsanayo in ay la shaqeyso ama ka mid tahay kooxaha argagixisada ah.

SomaliSwiss London
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: