Doorashadii dalka Masar oo uu ku guuleystey Musharixii Ururka Ikhwaanul Muslimiinka.

Doorashadii dalka Masar ka dhacday oo ay ku tartameen Axmad shafiiq oo ahaa R/wasaarihii ugu dambeeyay ee dowladdii Xusni Mubaarak iyo hogaamiyaha urur diimeedka Akhwaanul Muslimiinka maxamad Mursi ayaya maanta gudiga doorashadu waxay cadeeyeen in uu tartankii ku guuleystay Mr. Mursi.

Taageerayaasha Mursi, musharaxa akhwaanul muslimiinka ayaa maalmahaan dambe taageerayaashiisu waxay sheeganayeen in ay ku guuleysteen doorasahda, hase yeeshe hadda ayaa loogu dhawaaqay si rasmi ah, laakiin ma cadda tilaabada xigi doonta iyo waxa dhici doona iyadoo xaaladda siyaasadeed ee dalka Masar ay hadda ku sugan tahay heer uusan dalku lahayn dastuur iyo baarlamaan toona.

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: