Advertisements

Musharixii Afartanaad ee tartanka Madaxtinimada dalka Soomaaliya oo Maanta isa soo bandhigay.

Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii Cumar Cabdirashiid, C/raxmaan Cabdishakuur  ayaa manta kulan ballaaran ku qabtay magaalada  Muqdisho, kaasoo uu kaga hadlayay Doorkiisa Musharaxnimo ee Madaxtinimada dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO WARBIXINA KALA DUWAN

Wasiirkii hore ee Qorsheynta oo kulankaas ka hadlay ayaa ugu horeynba ka hadlay taariikhda Siyaasadeed ee uu ku soo biiray Masraxa Siyaasadda Soomaaliya isagoona sheegey inuu ka mid ahaa  Kooxdii Mucaradka ku ahayd Xukuumaddii Cabdullaahi yuusuf gaar ahaana Kooxihii ka soo hor jeeday dagaalkana kula jiray Ciidamadii Itoobiyaanka ee Dalka soo galay Sanadkii labadii Kun iyo Lixdii.

Cabdishakuur ayaa intaa ku daray in  markaa kaddib uu ku soo biiray Barlamankii la isku biiriyay isla markaana uu noqday Wasiirkii qorsheynta Qaranka.

Cabdishakuur  ayaa intaa ku daray in haddii uu ku guulaysto qabashada Xilkja Madaxtinimada Soomaaliya uu wax weyn ka bedelayo xaaladda Soomaaliya.

Musharaxan ayaa sheegey inuu wada hadal la galayo cid kasta oo danayneysa arrimaha Soomaaliya oo ay ku jiraan Kooxaha Mucaaradka isagoona ku nuux nuuxsaday in wax badan uu ka qabanayo xaaladda Siyaasadeed ee cakiran mudada ka badan Labaatanka Sano.

Qaar ka mid ah Odoyaashii manta kulankaas goob joogga ka ahaa ayaa soo dhaweeyay hadalada wanaagsan ee uu soo jeediyay Wasiirkii hore ee Qorsheynta oo haatan qorsheynaya inuu isu soo taago Musharaxnimada Madaxtinimada Soomaaliya.

Ka hor Musharaxan waxaa hore Musharaxnimadooda Saxaafadda ugu soo ban dhigay illaa Sagaal iyo Soddon Musharxa taasoo midba midka kale ka ereo wanaagsanaa isla markaana uu sheegey inuu wax ka bedelayo Soomaaliya, Soomaaliyadii horena dib u soo celinayo.

Si kastaba Musharaxan ayaa noqonaya kii afatanaad ee isu soo sharaxa Jagada Madaxweynaha Soomaaliya oo la filayo in dalka ay ka dhcdo dabayaaqada sanadkan.

Musharixiin uu ka mid yahay C/raxmaan C/shakuur ayaa dhowaan Muqdisho warsaxaafadeed ka soo saaray.

Wadaadadii Urur Diimeedka oo intooda badan u tartamaya Kursiga madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Posted on June 5, 2012 by somaliswiss

Dr. C/raxman M. C/llaahi Baadiyoow oo xubin sare ka ah Urur-Diineedka Al-Islaax ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA Read more »

Advertisements
%d bloggers like this: