Advertisements

Midowga Yurub oo soo dhaweeysay hishiiskii ay Nairobi ku gaareen saxiixayaasha Roadmap-ka.

Alexander Rondos oo ah u qaabilsanaha Midowga yurub arimaha Somalia la hadlay wakaaladda wararka MISNA lagu magacaabo ayaa sheegay inay aad u soo dhaweenayaan hishiiskii saxiixayaasha Roadmapka ay ku gaarayn magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sidoo kale Alexander Rondos ayaa shaaca ka qaaday in dhinacyada Soomaalida ay qaadeen talaabo muhiim ah oo sahli karta in loo talaabo hurumar iyo ka gudbista xilliga KMG ah.

Dhanka kale U-qaabilsanaha Midowga Yurub arimaha oo ka hadlaey heshiiska ay Soomaalida ku gaareen magaalada Nairobi wuxuu yiri: “Waa talaabo wanaagsan oo fududaynaysa in dhinacyada soomaalida ay si wada jir ah ay u wajahaan qodobada horyaala oo ay ka mid tahay ansixinta qabyo qoraalka dastuurka iyo diyaarinta doorashooyinka soo socda “ Alexander Rondos wuxuu intaas raaciyay in beesha caalamka ay diyaar u tahay fududaynta sidii looga gudbi lahaa dhibaatada muddada 20ka sano ka badan ka taagan dalka Soomaaliya .

Si kasta ha ahaatee hadalkan ka soo yeeray ergeyga Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa imaananya xilli dhimacyada soomaalida ee hishiiska ku gaaray Nairobi looga fadhiyo dhaqsi fulinta hishiiskooda ka hor bisha Agost.

SomaliSwiss    Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: