Advertisements

Booliska Kenya oo qabtay labo ruux oo Iiraaniyaan ah oo lagu tuhmay in ay xiriir la leeyihiin kooxda Al-Shabaab. (Somali & English)

Ciidamada Booliska dalka Kenya ayaa sheegay in shalay ay xireen labo qof oo u dhalatay dalka Iran, kadib markii ay ku qabteen iyaga oo wata waxyaabo Kiimicalis ah oo la tuhunsan yahay in ay u isticmaali rabeen qaraxyo ay rabeen in ay ka geeystaan gudaha magaalada Mombasa, halkaasi oo waqtiyadii u danbeeyay ay ka dhacayeen weeraro qaraxya ah oo is xig xiga.

Booliska ayaa labadan qof ee Iran u dhashay ku xiray Magaalada Nairobi Arbacadii, iyadoo islamaalintaasina uu boolisku sidoo kale gacanta ku dhiga Kontenar gudaha magaalada Mombasa kaasi oo asal ahaan laga keenay dalka Ciraaq waxaana la tuhusan yahay in ay ku jiraan waxyaabaha qaraxa.

Waxaa la sheegay in Khamiistii mid ka mid ah dadka la tuhunsan yahay ee gacanta lagu hayo loo duuliyay magaalada Mombasa isaga oo ay la socdaan booliska si qaado 15-kg oo budo ah oo ay qubarada Ammanka u qaadeen sheybaar si loo soo tijaabiyo.

“Si wanaagsan ayay noola shaqeeyeen. Waxa ay nasiiyeen warbixin muhiim ah taasi oo inaga caawin karta yareynta weerarada argagixiso ee dalka ka dhicikara”, sidaasi waxaa wakaalada wararka ee Reuters u sheegay Ambrose Munyasia oo ah sargaal sare oo ka tirsan booliska magaalada Mombasa.

Sidoo kale Aggrey Adoli oo ah Sarkaal ugu sarreeya gobolka xeebta ee magaalada Mombaso oo arrintaas laga wareystay wuxuu yiri; “Waxan dooneynaa in aan ogoono hadii walxahan aan helnay ay xiriir la leeyihiin kooxaha argagixiso oo ay ku jiraan Al Shabaab, Al Qaacidda iyo kooxo kale”.

Dhanka kale Saraakiisha dowladda Kenya ayaa waxay sheegeen in booliska Caalamiga ah ee Interpol iyo FBI Maraykanka ay ku caawinayaan sidii aya uga hortagi lahaayeen hajabaadaha xiriirka ah ee uga imaanaya Xarakada Al Shabaab iyo Al Qaacidda.

Sida la wada ogsoon yahay Xaalada Amman ee dalka Kenya ayaa aheyd mid ka sii dareysay tan iyo markii sanadkii la soo dhaafay ciidmaada Xukuumada Nairobi ay gudaha u soo galeen Koofurta dalka Soomaaliya waqtigaasi oo ay ku eedeeyeen Xarakada Al Shabaab in ay ka danbeeyso falalka qafalka ahaa ee dalkeeda ka dhacayay hase ahaa tee Xarakadu ay beenisay aritaasi.

SomaliSwiss     Mombasa

SomaliSwiss@hotmail.com

Kenyan police arrest two Iranians  suspects terror over explosives.

MOMBASA, Kenya — A Kenyan official says police officers have arrested two Iranians suspected of being involved in terrorism.

Aggrey Adoli, the police chief in charge of Kenya’s coastal region, said Friday the two were arrested in Nairobi this week and that one led counter-terrorism officers to the coastal town of Mombasa to recover 15 kilograms (33 pounds) of a powdery substance that police believe is explosive material.

The U.S. Embassy in Kenya on Friday warned of an imminent threat of a terrorist attack in Mombasa and said all U.S. government personnel must leave the city. It also said travel to Mombasa by U.S. officials has been suspended until next month.

Kenya has been facing the threat of an attack from al-Qaida-linked Somali militants. The al-Shabab insurgents have vowed to bomb an area of Kenya for sending its troops into Somalia.

SomaliSwiss     Mombasa

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: