Dood la xiriirta dhibaatooyinka Qaxootiga iyo Xaaladda Murugsan ee Soomaalida oo ka dhacday magaalada Zürich.

Waxaa magaalada Zürich ka dhacay Kulan looga doodayay Arrimaha Qaxootiga ee dalkan Switzerland, maadaama Bishan 20-keedii ay ahayd maalin loo asteeyey in lagu xasuusto dadka qaxootiga ee ka soo haajiray dalalkooda, kuwaas oo wadamadii ay u dhasheen ay ka jiraan musiibooyin Rabbaani ah iyo kuwa ay dadyowga gacantooda ku geysteen. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Haddaba haddii aan dib u eegna meelaha ay ka jiraan dhibaatooyinka keenay  qaxa ayaa waxaa ka mid ah wadamada Soomaaliya, Ciraaq, Afganistaan, Liibiya, Suuraiya iyo qaar ka mid ah wadamada Woqooyiga Afrika,Wadamadan ayaa kuwo ka dhacay dagaallo Sokeeye.

Dagaaladan iyo Musiibooyinka kale ee dabiiciga ah ayaa waxay sababeen in dad badan ay ka soo qaxaan guryahooda iyo wadamadooda, una soo haajiraan Wadamada Reer Yurub, Mareykana iyo Austraaliya, dadkan oo isugu jira Dhallinyaro. Haween iyo Caruur ayaa waxay la kulmaan nolol tii ugu xumeyd, balse nolol xumida waxaa ka sii daran in badan oo ka mid dadka ka soo haajira ayaa waxay ku dhintaan Badaha iyo dhulka lama-degaanka ah (Saxaraha).

Sidoo kale  waxaa dood ka taagan dadkii ka soo  samatabaxay oo iyoogoo bad-qaba soo gaaray meelihii ay taargedkooda ahaa gaaray, ayaa haddan la kulma dhibaato ka xun tan ay ka soo carareen, haddaba Waddankan Switzerland waxaa soo gaara qaar ka mid ah Muhaajiriintaraadinaya inay helaan nolol ka fiican tii ay kaga yimaadeen wadamadooda.

Sida la wada ogsoon yahay Sanadkasta waxcaa Caalamka laga xusaa Maalinta Loo Asteeyey  qaxootiga, looguna doodaa arrimaha la xiriira Nolosha dadka qaxootida ah, sidaas darteed waxaa maalinta bisha Juun ay ahayd 21ka 2012, waxaa hoolka weyn Volkshaus ee magaaladan Zürich isu yimaaday bahda warbaahinta Gobolka Zürich, kana mid ah Warbaahinta Soomaaliyeed ee dalkan Switzerland SomaliSwiss Radio iyo SomaliSwiss Website.

Waxaa kaloo Kulan lagu casumay Masuuliyiin Sare oo ka tirsan  Kanton Zürich, waxaana kulanka doodan soo qabanqaabiyey qaar ka mid ad Warbaahinta noocyadeeda kala duwan ee Kantoonka ka howlgela, waxaa kaloo lagu casumay  qaar ka mid ah Ururrada Jaaliyadaha oo si mideysan uga dhisan Kanton Zürich, loona aqoonsan yahay inay yihiin dad la qabsaday dhaqanka Waddankan, sameeyana Is-dhexgal aad u wanaagsana, kuwaas oo  ku soo bandhigay barta kulanka baahidooda iyo wax-qabadkooda, waxaana Jaaliyadahaas ka mid ahaa Eritrea iyo Sirilanka iyo kuwa kale.

Hase yeeshee waxaa la yaab ahaa Dooda ka dhacday  Volkshaus ee magaaladan Zürich ayaa waxaa si gaar ah loogu dooday, looguna hadlayey Dhibaatada Soomaalida haysta, gaar ahaan sharciga “F“ ee  la siiyo marka ay yimaadaan Dalkan Switzerland, sidoo kale waxaa laga dooday dad qaabilaada loo diido ee dib loo celiyo wadamadooda.

Si kasta ha ahaatee waxaa nasiib darro ah in kulankaas laga sheegay sida ay Soomaalida ay u kala daadsan tahay, ilaa haatan aanay  fahmin sidii ay danahooda ku gaari lahaayeen, taasoo keentay inay  garan waayaan xaqa ay leeyihiin iyo xaqa lagu leeyahay iyaga.

SomaliSwiss           Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: