Advertisements

Madaxweyne Shariif oo sheegay in uu markale u taagan yahay qabashada xilka madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Madaxwaynaha dowladda KMG Soomaaliya ayaa isagoo ku sugan magaalada Nairobi ee dalka Kenya  waxaa uu la hadlay wakaaladda wararka ee dalka faransiiska ee AFP, isla markaana waxaa uu sheegay in labo bil kadib uu yahay musharax u taagan qabashada xilka madaxtinimo ee dalka Soomaaliya, waxaa uuna intaasi ku daray in uu la tartamidoono Musharixiinta kale ee isku soo sharaxaya xilka madaxtinimada dalka. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Shariif Sheikh axmed ayaa tibaaxay in wax badan uu ka badali doono xaaladda dalka Somalia haddii shacabka soomaaliyeed markale ay u ogolaadaan in xilka madaxtinimda uu qabto.

“Waxaan u adeegi doonaa shacabka soomaalida hadii markale ay igu aaminaan shaqada ” ayuu madaxwaynaha u sheegay wakaaladda wararka ee AFP.

Madaxwaynaha dowladda KMG ayaa sidoo been abuur ku tilmaamay in daaqadaha uu ka xertay beesha caalamka oo uu ka soo horjeestay la dagaalanka waxa loogu yeero argigixisada iyo in sidoo kale uu ku guul daraystay soo celinta nidaamka iyo kala dambaynta.

Madaxwaynaha ayaa sheegay in laga soo bilaabo markii loo doortay xilka madaxtinimada oo ahayd January 31, 2009 uu wax badan qabtay iskuna mashquuliyay la dagaalanka argigixisada iyo horumar gaarsiinta dalka Somalia waa sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda waxaa la joogaa waqtigii laga shaqayn lahaa dib u dhiska dalka iyo ka shaqaynta horumarka dalka Somalia hadii wax sharci ah uusan jirin suurto gal ma ah in laga shaqeeyo horumar , waaa in marka hore la helaa sharci kala xaddida dadka “ayuu yiri madaxwaynaha dowladda KMG Somalia.

47 sano jirkan hogaamiya dowladda waqtiga yar haatan uu ka harsan yahay hadalkiisu waxa uu ku soo aadayaa xilli August ka hor ay dhacayaan doorashooyin barlamaan , barlamaankaasoo August 20keeda dooran doona madaxwayne.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: