Advertisements

Dowladda South Africa oo ka hadashay sii daaysay Lamaanihii u dhashay ayaashii South Africa.

War ka soo baxay Dowladda South Africa ayaa lagu soo dhoweeyey sii deynta lamaane u kala dhashay Koofur Afrika iyo talyaaniga kuwaas oo muddo 18 bilood ah gacanta ugu jiray kooxaha burcadbadeedda Soomaalida.

Mr. Nelson Kgwete oo ah Afhayeenka xiriirrada caalamiga ah ee dowladda Koofur Afrika ayaa uga mahadceliyay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya iyo Talyaaniga dadaallada ay ku bixiyeen in lamaaneyaashaasi ay dib u helaan xuriyaddooda.

Afhayeenka ayaa xusay in lamaaneyaasha la sii daayay iyagoo aan la waxyeeleeyn isalamarkaasna ay mas’uuliyiinta dowladda Soomaaliya ku soo wargeliyeen mas’uuliyiinta dowladda koofur Afrika in lamaaneyaasha xaaladooda caafimaad ay aad u wanaagsantahay.

Sidoo kale  wuxuu Afheyeenku intaasi ku daray in dowladda Koofur Afrika safaaraddeeda u qaabilsan Somalia ee fadhigeedu yahay magaalada Nairobi ay tagaeero u fidisay lamaaneyaashaas.

Dhanka kale Kooxda burcad badeedda Soomalida ayaa afduubtay labada lamaane ee kala ah Deborah Calitz iyo Bruno Pelizzari.bishii October ee sanadkii 2010ka iyagoo xilligaasina kooxaha burcaddu ay dalbatay in la siiyo lacag madax furasho ah oo dhan 10 Milyan oo Dollar.

Waxaa xusid mudan in Dowladda Soomaaliya ayaa shalay ku guuleysatay inay soo furato lamaaneyaashani kuwaas oo muddo dhan 18 bilood ay xoog ku haysteen kooxo dambiileyaal ah.

SomaliSwiss      Pritoria

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: