Wafuudii ka socotay Waqooyiga & Koofurta (British Somaliland iyo Italy Somaliland) oo heshiis hordhac ah galabta wada gaaray.

Waxaa Galabtay lagu soo gaba gabeeyay Gobolka Kent ee dalka Ingiriiska, Shirkii muddo laba maalmood ah u socday, wafuud ka kala socotay Koofurta iyo Waqooyiga dalka Soomaaliya.

Shirkan oo hor dhac ama gogol xaar u ahaa shirar kale oo taxane ah ayaa waxaa kasoo baxay qodobo 7 ka kooban oo nuxurkoodu u muuqday in ay ku heshiiyeen in ay wada hadal furi karaan oo kaliya, waxaana qodobadaasi ka mid ah:-

  • In Labada Madaxweyne Sharif sheikh Axmad iyo Axmad Silaanyo isku arkaan si deg deg ah,  si ay u sii wadaan Wadahadalka haatan bilowdayu bilowday.
  • In wada xaajoodka labada dhinac uu sii socdo, si looga mira dhaliyo, isla markaana loo sii amba qaado waxyaabaha dhiman.
  • In la iska kaashado la dagaalanka argagixisada iyo burcad badeeda, lagana hortago sunta warshadaha ee maraakiibta shisheeye ku qubayaan xeebaha dalka Soomaaliya.
  • in labada dhinac u yeertaan Qubaro xagga qaanuunka qaabilsan oo laga kaashado latashiyada dhinaca sharciyada.
  • in ay si wada jir ah uga wada shaqeeyan, sidii kaalmada bani’aadanimada loo gaarsiiyo  dadka u baahan.
  •  in beesha Caalamka ay ka wada codsadaan in ay soo kordhiso kaalmooyinka xaga bani’aadanimada iyo horumarinta.
  • In ay taageersan yihiin sidii looga gudbi lahaa waqtiga KMG ah.

Wasiirka Arrimaha dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar oo ka hadlay shirka ayaa sheegay in aan la soo hadal qaadin arrinta gooni isu taaga, isla markaana qorshuhu aheyn qadiyada Somaliland, isagoo ka gaabsaday in kulamada kale lagu soo qaadayo in in kale.

Sidoo kale Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/samad Macalin Maxamuud ayaa sheegay in xilligan oo wada hadalada ay yihiin kuwo bilow ah aan looga hadleyn arrinta gooni isu taaga, isla markaana looga hadli doono kulamo kale.

SomaliSwiss Monitoring Desk

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: