Wadahadalkii u dhaxeeya Soomaalida Koonfureed iyo Woqooyiga oo maalintii 2aad ka socda Kent, dalka UK.

Magaalada Londan ee dalka Britain ayaa waxaa maalintii 2-aad ka socda wadahadalladii u dhexeeyey Soomaalida Koonfurta iyo Woqooyiga waxaana lagu soo warramayaa in ay si toos ah u gudagalayaan Ajandayaasha horyaala ee la xiriira qaddiyadda labada dhinac ee Soomaaliya.

Sida la wada ogsoon yahay Shirkan ayaa waxa ka qeybgalaya Toban xubnood oo ka kala Socda labada dhinac, waxaana looga hadlayaa midnimada Soomaaliya iyo sidii maamulkaasi loogu qancin lahaa in uu ka soo laabto goosashada uu ku dhawaaqay.

Wafdiga dowladda KMG ah ee matalaya ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Dowladda KMG ah, balse ajandaha horyaalla shirka maanta looga doodi doono ayaa wuxuu ku saabsan qaddiyadda Soomaaliweyn, waxaana la saadaalinayaa in shirkaasi ay ka soo baxaan go’aanno taariiqi ah.

Waa wadahadalladii ugu horreeyay ee dhex mara Maamulada ka jira Koonfurta  iyo woqooyiga tan iyo markii maamulkaasi ku dhawaaqay in uu ka go’ay Soomaali inteeda kale.

SomaliSwiss    London

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: