Lahayste-yaal K/Afrikaan ah oo mudo badan u qafaalnaa burcad badeed Soomaliyeed oo maanta laga sii daayey.

Lamaane u Dhashay  Dalka Koofur Afrika oo mudo ku dhawaad Laba Sano ahayd Kooxo Bur cad Badeed  Soomaaliyeed ah af duub ahaan ugu haysteen gudaha dalka Soomaaliya ayaa laga sii daayay. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Wasiirka Gaashaan Dhigga Xuseen Carab Ciise oo shir jaraa’id shalay ku qabtay Muqdisho ayaa sheegey dadaal badan  oo ay xukuumaddu sameysey ka dib in lagu Guulasytay in Lamaanahan Xuriyadoodu dib u helaan isla markaana ay sii daayeen Kooxihi Bur Cadda ahaa ee ku dhawaadka Labada san oaf duubka u haystay dadkaasi.

Buruno Burozi iyo Xaaskiisa  oo Kooxaha af duubka u haystay ay hore u weeydiisteen si loo soo daayo Afar Milyan oo Doolarka maraykanka ayaa xukuumadda Federaalka Soomaaliya  waxa ay ku Guulaysatay in Lamaanahaas ay dib u helaan Xuriyadooda.
 
Buruno Borozi oo Asal ahaan ka soo jeeda Dalka Talyaaniga haystase Dhalashada Koofur Afrika ayaa isaga iyo xaaskiisa waxaa la af duubay xiili ay marayeen Xiibaha Dalka Tanzaniya taasoo loo soo gudbiyay gudaha Soomaaliya.
 
Wasiirka gaashaan dhigga Xukuumadda ku meel gaarka ayaa sheegey in ay jiraan wax xoogaa Lacago ah in kastuusan caddeyn cadadka lacagtaas keliyana ku  cel celiyay in dadaal badan oo ay sameeyeen ay u suurta gashay in la soo daayo lamaanahan dibna loogu duulin doono dalkooda.
 
Barozi oo isagana Saxaafadda la hadlay ayaa sheegay inuu aad u wanaagsan yahay Caafimaadka isaga iyo xaaskiisaba isla markaana uu u mahad celinayo dhamaanba Shacabka Soomaaliyeed iyo intii gacanta ka gaysatay soo deyntooda.
 
Lamaanahan ayaa muddo sided Bilood gacanta ugu jiray kooxo Bur cad Badeed Soomaali ah kuwaasoo ku gor gortamayay in laga siiyo lacago madax Furasha ah taasoo ugu danbayntiina suurta gashay in la sii daayo ka gadaal markii Lacago laga bixiyay.

SomaliSwiss Muqdisho

Somaliswiss@hotmail.com

%d bloggers like this: