Dawlada dalka Uganda ayaa go`aansatay in dalka Soomaaliya ay geynayso ciidamo boolis ah oo ka qeyb qaata xasilinta amaanka Soomaaliya.
Mis Judith Nabakoba oo ah Ku xigeenka afhayeenka ciidamada booliska Uganda ayaa warbaahinta u sheegtay in 140 askari oo horudhac ah, kana tirsan ciidamada booliska dalka Uganda ay dhawaan soo gaari doonaan magaalada Muqdisho si ay uga qeyb qaataan hawlgalada lagu sugayo amaanka Muqdisho.
Afhayeenada waxay sheegtay in bilihii la soo dhaafay ay tababaro siinayeen ciidamada Booliska ee loogu talo in Soomaaliya la geeynayo, Â iyadoona tilmaantay in hadda ciidamadaasi la diyaariyay waxayna ka mid noqon doonaan Ciidamada Midawga Africa (AMISOM) ee hawlalka ka wado Soomaaliya.
Sida ay sheegtay Mis Judith Nabakoba in Ciidamadaan ay shaqadoodu noqon doonto ka hortagista dambiyada, iyagoo ka shaqeyn doonaan saldhigyada booliska ee Muqdisho ku yaala,” waxaana ay intaa raacisay in ciidamadaan ay qeyb ka yihiin ciidamo uu ururka Midawga Africa ugu talo galay inay ka qeyb qaataan sugida amaanka dalka gaar ahan caasimada.
Sidoo kale warar kale ayaa waxay sheegayaan in dawlada Nigeria ay iyana diyaar la tahay inay ciidamo keenta Soomaaliya kuwaasoo ka mid noqon doona booliska AMISOM.
SomaliSwiss     Kampala
Filed under: Kambala |
You must be logged in to post a comment.