Advertisements

Qarax is-midaamin ah oo ka dhacay dalka Yeman, laguna eedeeyay Soomaalida kunool Waddankaasi.

Waxaa soo ifbaxaya Faahfahin dheeraad ah  ee la xiriira qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada dowladda Yemen iyadoo dowladda wadankaasina ay sheegtay inuu fuliyay qof Soomali ah.

Sida lagu soo warramay dilka Gen. Saalim Alkhatim ayaa loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah oo uu fuliyay qof Soomaali ah sida ay shaacisay wasaaradda gaashaandhiga ee dalkaasi Yemen.

Hase ahaatee Mas’uuliyadda dilka Gen. Saalim ayaa waxaa sheegatay kooxda Ansaaru-shareeca oo ka tirsan Alqaacidda isla markaana xiriir dhow la leh kooxda shabaab ee la midowday Alqaacidda.

Sidaas darteed waxaa billaabmay  cadaadiska iyo takoorka lagu hayo Soomaalida ku dhaqan wadanka Yeman, kaddib markii laba wargeys oo ka soo baxa dalkaasi ay sheegeen in qaraxii is miidaaminta shalay ka dhacay gobolka Abyan ee wadanka Yeman lagu eedeeyay inuu fuliyay ruux Soomaali ah.

Dhanka kale Soomaalida ku nool dalkaasi Yemen ayaa walaac ka muujiyay falkaasi, iyagoo ka baqaya in loo dhibaato magaca Somalinimada, in kastoo dowladda Yemen ay sheegtay in arintan aysan saameyndoonin jaaliyadda Soomaalida maadaama ruuxa isqarxiiyay uusan ku shaqeyneyn fikrad Soomaaliyeed.

Si kasta ha ahaatee Madaxweynaha Yemen ayaa Dhawaan u magacaabay Gen. Saalim inuu noqdo Taliyaha ciidamada konfurta Yemen, waxaana la sheegay in sarkaalkani uu wiiqay awoodda kooxda sheegatay dilkiisa kadib howlgallo meleteri uu ka sameeyay konfurta dalka Yemen.

SomaliSwiss     Sanca

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: