Xaflad Qalin Jabin ah oo ka dhacday Dalka Hindiya ayaa waxaa kadhexmuuqday Arday badan oo jinsiyado kala duwan ah, isla markaana ka kala yimid Dalal Badan oo uu kamid yahay dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA
Xaflad Qalin Jabin ah oo ka dhacday Dalka Hindiya Taariikhdu marka ay aheyd 13/06/2012 oo ay Arday badan oo jinsiyado kala duwan, isla markaana ka kala yimid Dalal Badan oo Dunida ka mid ah ay halkaas ku qalin jabiyeen ardaydaas waxaa ka mid ahaa arday Soomaaliyeed oo dhameystay waxbarashadooda heerka Jaamacaded Dalka Hindiya.
Ardaysaasi ayaa halkaa ku dhameystay Faculty kala duwan ee waxbarashadeed ayagoo iskugu jiray kuwa “Bachelor “dhameystay shahadada ugu horeyso ee heerka jamacadeed iyo arday heer taqasuseed gaartay Mastered level sida “Science” oo isugu jiray qaybaha Communication and Electronic Engineering, Bachelor of Science, Bachelor of Computer Applications, iyo sido kale Faculty Social Science oo Arts loo yaqanao ayagoona bartay BA in Economics, BA in Political Science, BA in Public Administration Bachelor of Commerce, Master of Business Administration, Finance, Master of Computer Science, Ardaydan Soomaaliyeed ee qalinjebisay ayaanan ahayn kuwii ugu horeeyey balse arday ayaa sidan oo kale ku qalin jebisa sanad waliba dalka Hindiya, arintaan ayaa  Dalkeena Soomaaliya iyo Dadkeena Soomaaliyeedba sharaf , hormar,wanaag iyo Rajo fiican u ah. Waana wax lagu farxo oo lgu  faani karro heerka aqooneed oo jiilalka cusub ee kor u kacaya mudooyinkan danbe.
Ardayda Soomaaliyeed ayaa maanta meel waliba ay joogta waxna ka barata waxaadna moodaa gudaha dalka soomaaliya iyo dibada in loo soo jeestay in laga baxo jahliga iyo aqoondarada dadkeena degeshatay.maadaama maanta  ardaydeena  meel waliba ay ka muuqdaan ayagoo baranaya tacliin heer jamacadeed ah waliba faculty kala duwan oo ay waxbarashadu ka koobantahay. Xafladaan ayaa waxa ka mid ahaa marti sharafkii ka so qeyb galay Wasiirka Hidaha iyo dhaqanka,guryeenta iyo la dagaalanka saboolnimada Magaalada Mawro Kumari Selja, iyo Safiirka Eritrea u Fadhiyo Dalka Hindiya Mudane Alem Tsehaye woldemariam iyo Macalinkii oo waqti xaadir kaan ah Madaxweynaha iyo Alifaagii iyo Gudoomiyaha Jamacada Symbiosis International University Prof, S,B Mujumda Jamacadaas oo ku taalo Magaalada Pune, Gobalka Mahrashtra ee Dalka Hindiya Macalinka ayaa bilaabay oo  keenayna fikrada ah in ardayda Dalka Hindiya wax ku barata oo jamacadaha kala duwan dalka Hindiya wadankii ay rabaan ha u dhashaanee in ay hal meel ku qalin jabiyaan sidee isku weedaarsadaan dhaqamadooda iyo qibrad aqooneeyd Xafladaan oo loogu magac daray “International Cultural Event ” Madaxda halkaas ka so qeyb gashay iyagoo halkaas ka soo jeediyay qudbooyin kooban oo ay ugu hambalyeenayan ardayda qalin jabineysay kuna guubabiyay in ay waxbarashada sii laba laaban dalalkooda iyo dadkoodana ugu shaqeyaan waajibka ka saaran Bini aadannimada in ay gutaan ayadoo halkaas ardaydii lagu gudoonsiiyay Buugii Qalin jabinta iyo Shahadooyin  kala duwan nin weliba heerkiisa aqooneed ee uu ka qalin jebiyey.
By: Abdirisaq Mohamed Sabriye
SomaliSwiss@hotmail.com
Filed under: Yusuf Garabey |
You must be logged in to post a comment.