Magaalada Zürich ee dalkan Switzerland oo galabnimadii shalay si weyn loogu Xusay Munaasabadda Dheelminta Nabi Muxammad (CSWS)

Sida caadada u ahayd Culumada Ahlu Sunna Wal Jamaac,inay had iyo jeer ay weyneeyaan qaybaha Siirada Nabigeena Suuban, sidaas darteed  waxaa galabnimadii shalay oo ay taariikhdu ahayd 17-06-2012 lagu qabtay Masjidka ku yaala wadada Militarstrasse ee Magaalada Zürich ee dalkan Switzerland, Xaflad si heer sare ah loo agaasimay oo lagu maamuusayo Munaasabadda ”Mucjizada Leylatul  Micraajka”. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Sida la wada ogsoon yahay Dunida Islaamka, waxay caado u noqotay in habeenka bisha Rajab 27-keedi, Masaajidaha iyo meelaha kale ee muqaddaska lagu akhriyo qisada Israa’ga & Micraaj iyo Siirada Nabigeena Suuban SCW.

Haddaba, Xafladda shalay waxaa ka soo qayb galay dad aad u fara badan oo ku abtirsada Ahlu Sunna Wal Jamaaca ee deggan Kanton Zürich iyo agagaarkeeda, Culuma’udiinka ahlu sunnaha ee magaalada Zürich iyo kuwa ka yimid Kantoonada dalkan Switzerland ayaa xafladii al’israa walmicraaj magalada zurich gaar ahaan masjidka islaamiga ee ahlusunna waljamaaca xafladasi oo ay ka soo qaybgaleen bulshada qaybaheeda kala duwan sida culuma’udiinka madaxda jaliyada zurich indheer garadka aqoonyahanada odayaasha hooyooyinka iyo dhalinyada.

Xaririyaha xaflada waxa uu ahaa shiekh mustaf cali khalif.

Waxaa ugu horryntii Aayadaha qur’aanka ku furay Xafladdaas Macalin Jaylaani Macalin Nuur, waxaana halkaas qasiida nabi Ammaanka ka qaaday  Sheikh Daa’uud (luzerno), taas oo bulshadii ka soo qayb gashay farxad iyo reyn reyn ah ka muujiyeen goobtaas, aad iyo aadna uga qushuuceen qisada habeenkaas barakaysan ee Nabigeena SCW Makka laga dheelmiyay ee inta lagu qaaday Buraaq lana geeyay Bayt-al-Maqdis, kadibna la korsiiyay Samooyinka kore tan iyo heer aanay gaarin garashada & cilmiga khalaa’iqda kale ee Ilaahay abuuray.

Sidoo kale waxaa Maxaadaradii kowaad ee Qisada Israa’ga & Micraaj, Siiradda Nabiga iyo wacdigaba halkaas ka soo jeediyey Sheikh cabduqadir Sheikh Maxamed (lausanne).

Dhanka kale waxay Culumada kala ah Sheikh Ibrahin nuur toxow, sheikh abukar iyo sheikh axmed duuri ay intuba si aad ah ugu dheeraadeen fasiraad iyo ka hadalka  al’israa iyo micraajka, iyagoo si  kooban kaga sheekeeyey wixii Nabigeena SCW ku arkay samooyinkii kolba la geynaaye iyo mid kasta Nabigii uu kula kulmay ilaa u Sidrat-al-Muntahaa ka gaaraayo oo Ilaahay u soo waxyoonayo, wuxuu Eebbe u soo waxyooday shanta salaadood ee la inagu soo farad yeelay.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiye Ku-Xigeenka Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Kanton Züich Dr. Axmed Dhicisow Daauud, wuxuuna bulshadii Soomaaliyeed ee Munaasabadaas ka soo qayb gashay u sheegay inay muhim tahay  in Soomaalida ay u midoobaan danahooda, maadaama ay ku nool yihiin Waddan loogu badan yahay, taasi waxaa door muhim inay  ka qaateen  ay waajib ku tahay culuma’udiinka somaliyeed, gaar ahaan Culumada Ahlusunna waljamaaca.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas qasaa’ido macamacaan ka soo jeediyay.

Macalin maxamuud shariif adan.

Macalin zakariye (kharaaxeeste)

khalif cumar macalin c/raxman suufi.

khalif abukar macalin abshirow.

khalif cabdisalan maxamed sh.xuseen goley.

khalif abukar macalin carabeey.

Gababadii waxaa xafalda ka duceeyey

sheikh ahmed saalim.

xafladan waxaa siwayn oo hagarla’aan ah isku soo daba riday. WAA Al-Ustaad Macalin Nuur Macalin Carabeey.

Dhanka kamiradana waxaa gacan wayn inaga siiyay caaqil Ahmed Daahir (Ahmed yare)

SomaliSwiss        Zürich

SomaliSwiss@hotmail.com

 

%d bloggers like this: