Warka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa shaaca ka qaaday in 20ka Bishan uu si rasmi ah magaalada London ee dalka Britain uga furmi doono wadahadalladii u dhaxeeyay dowladda Soomaaliya iyo maamlka Somaliland, taasi oo qeyb ka ah qodobadii ka soo baxay shirkii Soomaalida ee London lagu qabtay 23-ka bishii Febraayo ee sanadkan.
Warku wuxuu intaa raaciyey in Mas’uuliyiinta maamulka Somaliland ay shaaciyey in maalinnimada Arbacada ah oo ay taariikhdu ku beegantahay 20-ka bishan ay wejiga Koobaad ee Wadahadaladu ka furmi doonaan magaalada London, ayadoo Maalintii shalayna ay magaalada Burco ka ambabaxeen Wafuudda Somaliland wadahadalladaasi uga qeybgeli doonta wafdigaasi oo ka kooban Shan xubnood aya kala ah:-
–Â Â Â Â Â Â Wasiirka wasaaradda Arimaha Dibadda Dr. Maxamed Cabdilaahi Cumar.
–Â Â Â Â Â Â Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha wakiillada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax.
–Â Â Â Â Â Â Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Engineer faysal Cali Waraabe
–Â Â Â Â Â Â Wasiirka wasaaradda Madaxtooyada Md. Xirsi Cali Xasan.
–Â Â Â Â Â Â Wasiirka wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha bulshada Maxamuud Axmed Barre Garaad.
Sida laga warqabo waxaa Shirkii horraantii sanadkan ka dhacay London, ayaa wuxuu ahaa mid dhameystiraya dib u heshiisiinta Soomaalida ee looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, wuxuuna dhiirigelin u ahaa wadahadall dhexmara dowladda iyo maamulka Somalailand.
SomaliSwiss       Hargeysa
Filed under: Hargeisa Somaliland |
You must be logged in to post a comment.