Taliska ciidamada AMISOM oo Muqdisho ka billowday dhismaha Xarun lagu dhaqan-celinayo dhalinyaradii ay maran-habaabiyeen Xarakada Al-shabaab.

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay inay magaalada Muqdisho ka billaabeen dhisme ay doonayaan in lagu dhaqan-celinayo dhallinyaradii ay marin-habaabiyeen,  isla markaana kasoo goostay kooxda Al-Shabaab, sidoo kalena Ciidamada AMISOM waxay  dayactir ka wadaan Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho.

Sida la sheegay dhismahan ayaa wuxuu isugu jiraa iskuul iyo hoy, waxaana  laga dhisayaa duleedka degmada Wadajir ee gobolka Banaadir, waxaa kaloo ay sheegeen saraakiil ka tirsan Midowga Afrika in dhaqaalaha ku baxaya dhismahan uu bixinaayo Ururka Midowga Afrika.

Wafula Wamunyinyi oo ah  ku xigeenka ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya oo booqday xaruntaas ayaa sheegay in Xaruntan loogu talogalay in lagu dhaqan-celiyo dhallinyarada ka soo goosanaysa Al-shabaab.

Sidoo kale Mr. Wamunyinyi ayaa sheegay in xaruntan ay faa’iido weyn ugu jirto dalka Soomaaliya isagoo sheegay in dhallinyarada la dhaqan-celinayo la bari doono aqoon ay dadka iyo dalka ugu shaqeeyaan.

Dhanka kale, saraakiisha Midowga Afrika ayaa waxay isla shalay tageen golaha shacabka oo AMISOM ay ka waddo dayactir, iyadoo saraakiisha Midowga Afrika ay sheegeen in la soo gabagabeeyay wajigii hore ee dayactirka

Taliska Ciidamada AMISOM ayaa ugu dambeyntii  waxay sheegeen in howsha dayactirka xarunta golaha shacbaka iyo dhismaha iskuulka ay ka mid yihiin mashaariic ay AMISOM ka fulinayso sannadkan dalka Soomaaliya, gaar ahaan magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: