Advertisements

Sheikh Shariif oo wareegta ku soo saaray in dib loo celiyo hanti ay lahaayeen Marxuumiinta Salaad Gabeyre, Ceynaanshe, iyo Dheel

Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa maanta Wareegta ku soo saaray in hantidii maguurtada aheyd dib loogu Celiyo dhaxaltooyada marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeyre Kediye, Marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.

Wareegtadan ayaa maanta ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha dowladda KMG Soomaliya oo nuqul ka mid ah la soo gaarsiiyay wakiilka Shabakada SomaliSwiss ee magaalada Muqdisho ayaa lagu sheegay in Madaxweynaha markuu arkay xerka Lr. ee soo baxay 10/09/1970 iyo kuwo kale oo ka soo hor jeeday xuquuqul insaanka laguna baabi’yay dastuurka, Waxa uu madaxweynuhu ammar ku bixiyay in loo celiyo dhaxaltooyada hantidii ay lahaayeen Marxuumiintaasi.

Sidoo kale Wareegtan ayaa lagu xusay in laga billaabo maanta oo ay taariiqdu tahay 17/06/2012 madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya uu ammar ku bixiyay in loo celiyo hantidii maguurtada aheyd oo ay xukuumaddii meleteriga aheyd kala wareegtay marxuumiinta kala ah S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir.

Wareegtada ayaa lagu sheegay in Hantidaasi ma guurtada ah ay isugu jirto dhulal bannaan iyo dhismooyin ay hore u lahaayeen Sadexda marxuum kuwaas oo ku kala yaal duleedka iyo gudaha gobolka banaadir.

Waxaana Wareegtadan lagu amray dadka heysta dhulalkaasi ama dhismooyinkaasi in ay dib ugu soo celiyaan dhaxaltooyada marxuumiinta S/guuto Salaad Gabeeyre Kediye, marxuum S/guuto Maxamed Ceynaanshe Guuleed iyo C/qaadir Dheel.

Sidoo kale isla xeerkan ayaa dib loogu soo celiyay magacyada iyo maamuuski ay ku lahaayee shacabka iyo Ciidanka XDS, maadaama ay kaalin wax ku ool ah ka soo qaateen dhismaha iyo abaabulka lagu aas aasay ciidamada XDS.

Dhanka kale Wareegtadan ayaa waxaa ku saxiixnaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed sida ku cadna waxa uu dhaqangelayaa maanta oo taartiikhdu tahay 17/06/2012.

SomaliSwiss    Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: