Taariikhda Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Sheikh Mukhtaar Maxamed Xuseen.

Allaha u naxariistee Sheikh Mukhtaar Maxamed Xuseen wuxuu siyaasada ku soo biiray xilligii gobanima-doonka Soomaaliya, waxaa uu ku biirtay xisbigii SYL ee dhalinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1940-kii. Sanadkii 1954 waxaa uu noqday madixii SYL ee gobolkii Jubbada Sare. Sanadkii 1965-tii waxaa uu noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee Baarlamanka Soomaaliya.

Taariikhda Gudoomiyihii hore ee Baarlamanka Sheikh Mukhtaar Maxamed Xuseen HALKAN KA DAAWO SAWIRADA AASKA QARAN

Allaha u naxariistee Sheikh Mukhtaar waxaa uu ku dhashay magaalada Xudur ee gobolka Bakool sanadkii 1912-dii.

Sheikh Mukhtaar Maxamed Xuseen wuxuu siyaasada ku soo biiray xilligii gobanimadoonka Soomaaliya, wuxuuna ka mid noqday dhalinyaradii ku biirtay xisbigii SYL ee dhalinyarada Soomaaliyeed sanadkii 1940-kii. Sanadkii 1954 ayuu noqday madixii SYL ee gobolkii Jubbada Sare.

Wuxuu noqday gudoomiyihii ugu horeeyay ee baarlamaanka Soomaaliya sanadkii 1965 illaa 1969-kii.

Bishii Oktoobar sanadkii 1969-kii markii la dilay madaxweynihii hore ee dalka mudane C/rashiid Cali Sharma’arke Waxaa uu Sheikh Mukhtaar noqday madaxweyne KMG ah, wuxuuna hayey mudada u dhexeysay 15-kii Oktoobar illaa 21-kii Oktoobar 1969-kii.

Kadib markii uu xukunka qabsaday Maxamed Siyaad Barre waxaa Sheikh Mukhtaar lagu soo rogay xabsi guri isaga iyo xubno ka mid ahaa madaxdii dawladii rayidka ahayd.

Sheikh Mukhtaar wuxuu si rasmi ah u sheegay inuu ka fariistay siyaasadda Soomaaliya sanadkii 1969-kii.

Markii dalka ay ka dheceen dagaaladii sokeeye sanadkii 1990-kii Sheikh Mukhtaar wuxuu ku noolaa beertiisa oo uu ku lahaa degmada Afgooye.

Sheikh Mukhtaar Maxamed Xuseen ayaa Talaadadii lasoo dhaafay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya  Waxaana maanta Aas Qaran loogu sameeyay laguna aasay magaalada Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: