Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo xariga ka jaray baalooyinkii ku shaqeynayay Cadceeda ee dhowaan lagu rakibay wadooyinka Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo madax katirsan degmooyinka ayaa xalay xariga ka jaray baalooyinkii ku shaqeynayay Cadceeda ee dhowaan lagu rakibay wadooyinka Muqdisho. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Munaasabadii xariga looga jarayay leeyrarka laga hirgeliyay Muqdisho ayaa waxaa ka soo qeyb galay mas’uuliyiinta gobolka Banaadir, iyadoo ay ka soo qeyb galeen dhalinyaro kuwaas oo kusoo bandhigtay cayaaraha orodada.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Maxamuud Axmed Nuur Tarsan oo hadal ka jeediyay munaasabada ayaa sheegay in leeyrarka maanta xariga lagajaray ay dowladda Norway ugu deeqday dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale munaasabada ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhalinyaro ka kala socotay dagmooyinka gobolka Banaadir kuwaas oo Orodo loogu magac daray Iftiinka Nabadda ku soo bandhigay, iyadoona abaal marin la guddoonsiiyay dhalinyaradii gashay kaalimaha ugu horeeyo.

%d bloggers like this: