Ban Ki-Moon oo sheegay in 52 Waddan oo Caalamka ka tirsan Tacadiyo loogu gaysto Caruurta.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa shaaca ka qaaday in 52 Waddan oo Caalamka ka mid ah lagu dhibaateeyo Caruurta, waxaana Wadamadaasi kamid ah: Somalia, Afghanistan, Syria, Burma, Iraq, Labada Sudan iyo Congo Democratic Republic.

Sidoo kale Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Banki Moon ayaa sheegay in Warbixin Sanadeedka lagu muujiyey in si aad ah u kordheen Tacadiyada Caruurta loogu geystay Wadamadaasi oo Soomaaliya iyo Siiriya ay ugu sii horeeyaan islamrkaana waxa uu ka codsaday Dowladaha ku jira Dalalkaasi inay Baaritaan ku sameeyaan eedeeymahan loo jeediyay.

Mr. Banki Mon ayaa Caddeeyey in ay sameeyeen Baaritaano qoto dheer iyo in ay la xariireen dad arimahan goob joog u ahaa waxaana uu sheegay in dhamaan kiisaska QM ay heshay ay yihiin kuwa la xaqiijiyay inay sax yihiin.

Dhanka kale Safiirka dawlada Ingiriiska u fadhiya Qaramada Midoobay Mark Lyall ayaa shaaca ka qaaday in looga baahan yahay dadkii ka dambeeyey falalkan lagu dhibaateynayo Caruurta ay da’adoodu ka yar tahay 9 sano in ay ka waantoobaan maadaama caruurta ay muhiim u yihiin bulshada.

Arrinta lagu eedeynayo dalal badan ee caalamka ka tirsan ayaa la sheegay in Soomaaliya ay safka hore uga jirto ayna QM ay dhowr jeer ku eedeysay in ay waxyeelo u geystaan Caruurta.

 SomaliSwiss      New York

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: