Dowladda Mareykanka oo markale Qoxooti isugu jira Soomaali iyo Eritrean ka qaaday Jaziiradda Malta.

Dowladda Mareykanka ayaa isbuucii lasoo dhaafay Jaziiradda Malta ka qaaday 20-qof oo isugu jiray qoxooti Soomaali iyo Eritrean ah, kuwaas oo deganaansho lagu geeyay dalka Mareykanka.

Qoxootigan Soomaalida ah ee loo qaaday wadanka Mareykanka ayaa markoodii hore Jaziiradda Malta ku tagay tahriib dhinaca badda ah, isla markaana doon kasoo raacay xeebaha dalka Libya.

HALKAN KA DAAWO SAWIRA KALE

Waxda socdaalka Mareykanka ayaa sidoo kale bishii lasoo dhaafay waxaa ay Jaziiradda Malta ka qaaday qaxooti fara badan.

Dowladda Mareykanka ayaa tan iyo sannadkii 2006-da waxaa ay Jaziiradda Malta oo kamid ah qaaradda Yurub ka qaaday in kabadan 1,000 qof oo qoxooti Afrikaan ah, isla markaana ay ku jireen qoxooti Soomaaliyeed oo fara badan.

Qaxooti fara badan oo ay ku jiraan Soomaali, isla markaana ku sugnaa Jaziiradan Malta ayaa sidoo kale waxaa loo qaaday wadamo kamid ah Yurub, kuwaas oo ay kamid yihiin wadamada Faransiiska iyo Jarmalka.

Si kasta ha ahaatee Qoxootigan Soomaalida iyo Ertirean-ka ah ayaa la dajiyay deegaanno kala duwan oo ku yaalla dalka Mareykanka, kuwanna waxaa ay kamid noqonayaan qoxootigii faraha badnaa ee sannadkan laga qaaday Jaziiradda Malta.

SomaliSwiss Malta

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: