Booliska dalka Tanzania oo magaalada Darasalaam ku qabtay qof Ajnabi ah oo ka tirsanaan jiray Xarakada Al-Shabaab.

War ka soo baxay Taliska Boliska dalka Tanzania ayaa lagu sheegay in magaalada Darasalaam lagu qabtay nin haysta dhalashada wadanka Jarmalka, asal ahaanna kasoo jeeda Turkiga kana tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kaas oo ay sheegeen inuu Masuul ka ahaa Qarixii Bishii May ka dhacay magaalada Nairobi, islamarkaana Boliska Kenya ay dhawaan Sawirkiisa soo bandhigeen.

Sidoo kale qofkan oo ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Amaanka Dalka Tanzaania ayaa magaciisu lagu sheegay Emrah Erdogan, balse loo yaqaanay Salaaxuddin Al-Kurdi waxaana soo baxayay waqtiyadii la soo dhaafay Xog ku saabsan inuu ku sugan yahay mid kamid ah Wadmada Bariga Africa gaar ahaan Uganda iyo Tanzania oo Daris la ah Dalka Kenya.

Dhanka kale Saraakiil ka tirsan Boliska Tanzaania ayaa waxay sheegeen in Muwaadinkan u dhashay Germany ee layiraahdo Emrah Erdogan uu Sanadii hore 2011kii ku tababar qaatay gudaha Soomaaliya, islamrkaana uu ka barbar Dagaalami jiray Xarakada Al-Shabaab.

Si kasta ha ahaatee Emrah Erdogan ayaa la sheegay in xogta laga hayo ay muujineyso in Sanadii 2010-kii uu u safray Gobolka Wasiiristaan ee Bakistaan, waxaana uu ka mid yahay Xubno ka tirsan Al-Qaacidada Africa oo ay doon doonayaan Booliska Caalamka ee InterPol, iyadoo loo heysto inuu ka dambeeyay Qarixii qasaaraha badan dhaliyay ee 28-kii Bishii May ka dhacay Magaalada Nairobi.

SomaliSwiss      Darasalaam

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: