Advertisements

Madaxweyne Sheekh Shariif oo ugu baaqay Saraakiisha iyo malleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab inay ka soo laabtaan dariiqa ay hadda ku socdaan.

 Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheikh Axmed ayaa xalay ku hoyday degmada Afgooye ee gobolka Sh/ Hoose, wuxuuna maanta kulamo la qaatay odayaasha iyo waxgaradka gobolkaas, wuxuuna  kala hadli doona arrimo la xiriira ammaanka iyo sidii loo taageeri lahaa dowladnimada, mar haddii laga xoreeyay malleeshiyaadkii  Al-Shabaab. 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa xalay ku hoyday Degmada Afgooye, wuxuuna uga horreyntii kulamo la qaatay saraakiisha ciidamada qalabka sida, iyadoo safarka madaxweynaha ee degmada Afgooye uu dhiirigrlin u yahay ciidamada iyo shacabka ku nool gobolkaasi.

Sidoo kale waxaa dagmada Afgooye iyo deegaannada ku yaala duleedka Muqdisho laga dareemay Isbedel la taabankaro oo dhinaca ammaanka ah kadib markii laga sifeeyay malleeshiyaadka kooxda Al shabaab.

Wafdiga Madaxweyne Shariif oo xalay ku hoyday degmada Afgooye ee Gobolka /Sh/hoose ayaa waxaa Madaxweynuhu Safarkiisa ku wehliyey xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo Baarlamanka, iyadoo lagu soo warramaya in degmadaasi ay ka jirto nabadgelyo la taaban karo iyo kalsoonidii shacabka oo soo laabatay, kadib markii ay meesha ka baxday cabsidii ay dadka ka qabeeen in malleeshiyaadkii shabaab ay dib ugu soo laabtaan degmadaas.

Dhanka kale Dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxay dadweynaha reer Afgooye ka codsaday in ay sii adkeeyaan ammaanka oo aysan marnaba siinin fursad Kooxda Al-shabaab si ay dib ugu soo laabtaan degmadaasi, balse Madaxweynuhu wuxuu ugu baaqay Saraakiisha iyo malleeshiyaadka kooxda Al-shabaab inay ka soo laabtaan dariiqa ay hadda ku socdaan, ha yeeshee  dadweynuhu waxey booqashada Madaxweyne Shariif oo markii Labaad ah ku tilmaameen inay tahay wax lagu farxo.

Sida la wada ogsoon yahay Degmada Afgooye waxay ka mid ahayd  meelaha ay dhaqaalaha muuqda ka heli jireen Xarakada Al-shabaab waayo waxaa ku yaala suuqa ugu weyn ee xoolaha konfurta Soomaaliya, kaas oo halkaasi ka sameeymay markii ay dagaallada ku xirmeen Seyladihii xoolaha ee Muqdisho, sidoo kale degmada waxey leedahay kheeyraad farabadan oo Alle ku manneeystay iyo ganacsi xoog leh.

SomaliSwiss    Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: