Advertisements

Dagaallo Culus iyo Duqeymo oo ka dhacay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka, una dhaxeeya Xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG.

 Waxaa lagu soo warramayaa in xalay ay ka dhaceen dagaallo culus iyo duqeymo deegaanno ka tirsan in gobollada Jubbooyinka gaar ahaan degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani, kadib markii dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhigyo ay halkaasi ku lahaayeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya.

Dadweynaha deegaanka degmada Afmadow ayaa waxay sheegeen in xalay fiidkii ciidamada dowladda iyo kuwa Kenya ay gantaallo ku tuureen saldhigyo ay Al-shabaab ku lahaayeen duleedka Afmadow, waxayna taasi keentay in xoogagga Al-shabaab ay magaalada kusoo qaadaan weerar madaafiic ah, kaasoo socday mudo saacad ku dhowaad.

Sidoo kale deegaanka Qooqaani ayaa waxaa lagu soo qaaday weerar lamid ah kan  ka dhacay degmada Afmadow, iyadoona la sheegay in cutubyo ka tirsan dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada dowladda, kuwa Raaskaambooni iyo Kenya ay ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana labada dhinac dhexmaray dagaal culus oo la isku adeegsaday hub ka noocyadiisa kala duwan.

Dhanka kale lama soo sheegin ilaa imika khasaaraha kala gaaray labada dhinac maadaama halka uu dagaalka ka dhacay ay tahay dhul howd ah, mana jiraan masuulyiin ka tirsan Ciidamada iyo kuwa Al-shabaab oo faahfaahin ka bixiyey weerarradii xalay ka dhacay degmada Afmadow iyo deegaanka Qooqaani ee gobolka Jubada Hoose.

Balse warar kale ayaa sheegaya in diyaaradaha Kenya ay duqeymo xooggan ka geysteen deegaanka Far-Shaqeel oo hoostaga degmada Bu’aale oo ay  saldhig weyn ku lahaayeen xarakada Al-shabaab, halkaas oo diyaaraduhu ay dhowr gantaal ku garaaceen, balse aan  la ogeyn ama la soo sheegin ilaa haatan khasaarihii ka dhashay duqeyntaas.

Sida laga warqaba Gobollada Jubbooyinka ayaa waxaa ka socda  dagaallo ka dhexeeya xoogagga Xarakada Al-shabaab iyo ciidamada dowladda KMG, kuwa Raaskaambooni oo garabsanaya ciidamada Kenyaoo in muddo ahba ka jiray dagaallo goos goos ah.

SomaliSwiss    Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: