Ra’isal Wasaare, C/weli Gaas oo sheegay in dhawaan la billaabi doono Wadahadallada Dowladda KMG ah iyo Maamulka Somaliland.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabanayaan wadahadallo dhexmara Dowladda KMG ah iyo maamulka Somaliland, taas oo qayb ka ahayd qodobbadii kasoo baxay shirkii horraantii sannadkan lagu qabtay magaalada London ee dalka Britain.

Sidoo kale Mudane C/weli Gaas wuxuu sheegay in si wadahadalkaas uu rajeynayo  inay ka soo baxaan qodobbo ay ku farxaan shacabka Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri: “Wadahadallo dhexmara DKMG ah iyo Somaliland ayaan rajeynayaan inay dhawaan billlowdaan si ay Soomaaliya dib ugu midowdo, ma sheegi karo hadda goobta lagu qaban doono iyo xilliga la qaban doono, laakiin waxaan caddeyn karaa inay sida ugu dhaqsiya badan ku billaaban doonaan”.

Mudane C/weli Gaas oo ka hadlayey wax qabadka Xukuumadda wuxuu yiri:  “Markii aan xilka qabanayay dowladda waxay ka talinayay meelo yar oo Muqdisho ka tirsan, waxaana ciidamada ku booqday jidka wadnaha, hadda waxay ka tallaabeen Muqdisho iyagoo gaaray degmada Afgooye, sidoo kale waxay gaareen Afmadow iyo meelo kale oo ay ka mid yihiin: Baydhabo, Xudur, Baladweyne“.

Dhanka kale Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu hoosta ka xariiqay inay ka go’an tahay inay ka saaraan Al-shabaab inta aan la gaarin bisha Ogoosto deegaannada iyo gobollada kale ee ay dalka uga sugan yihiin; si looga gudbiyo buu yiri xilliga KMG ah.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: