Koox hubaysan oo dhaawac u geystay Guddoomiyihii Maxkamadda Gobolka Hargeysa ee Somaliland.

War naga soo gaaray magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in Koox  hubaysan ay Waaberigii saakay ku toogtay Guddoomiyihii Maxkamadda gobolka Hargeysa Cabdirashiid Maxamuud Duraan oo markaas ku sugnaa  xaafadda New Hargeysa ee Bariga magaaladda Hargeysa.

 Sida lagu soo warramay in guddoomiye Duraan uu dhaawac ka soo gaaray daanka bidix ee Wejiga oo ku dhacday  xabad ay ku soo rideen Kooxdii   hubaysnayd , waxaana dhaawaciisa loola cararay isbitaal gaar loo leeyahay ee Gargaar oo ku yaalla bartamaha magaaladda Hargeysa oo ilaa hadda lagu daweynayo.

Ilaa hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa toogashada loo gaystay Guddoomiye Duraan, inkastoo loo aaneynayo inay la xiriirto Xukunno lagu riday  dad lagu eedeeyey Xatoyo Xoolo dadweyne.

Balse sida la wada ogsoon yahay Garsoore Cabdirashiid Duraan ayaa laba toddobaad ka hor xukuno kala duwan ku riday masuuliyiin lagu eedeeyey musuqmaasuq mucaawimo Raashin.

Si kasta ha ahaatee dhacdadan ayaa noqonaysa tii ugu horaysay ee nooceedda ah ee ka dhacda Somaliland, taas oo dadweynuhu ilaa hadda is waydiinayaan sababta rasmiga ah ee loo beegsaday guddoomiyahan maxkamadda gobolka, wallow arrintan oo kale ay hore uga dhici jireen magaaladda Laascaanood ee gobolka Sool, balse muddooyinkii u dambeeyey ay joogsadeen dilalka lagu bartilmaamaysanayo garsoorayaasha.

SomaliSwiss     Hargeysa

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: