Dowladda Mareykanka oo sheegtay inay xayiraad ku soo rogeyso ciddii Carqaladeysa heshiiska Roadmap-ka iyo Dastuurka Cusub ee Soomaaliya.

Dowladda dalka  Mareykanka ayaa ku hanjabtay inay ku soo rogayso xayiraaddo ay ka mid yihiin kuwa safarka cid walba oo ka hortimaadda fulinta heshiiska Roadmap-ka, dastuurka cusub iyo Madaxweynihii  loo doorto Soomaaliya.

Mr. Johnnie Carson oo ah Kaaliyaha xogyahaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika, ayaa hadalkan ka sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay Nairobi.

kaddib safar uu shalay ku tagay Muqdisho, kaasoo uu kula kulmay Madaxda Sare ee Dowladda KMG ah iyo odayaasha-dhaqanka.

Mr. Carson oo ka hadlayey  waqiga kala guurka wuxuu yiri: “Xayiraad ayaa la saari doonaa cid walba oo qas-wade ah, kana hortimaada howlaha looga gudbiyo xilliga kala guurka ee  KM Gaarnimada Soomaaliya.

Kaaliyaha xogyahaha arrimaha dibadda Mareykanka ee arrimaha Afrika Mr. Carson wuxuu sheegay in tallaabadan ay tahay mid la saari karo xubno dowladda ka tirsan iyo kuwo dibadda ka ah, isagoo sheegay in tani ay tahay mid looga hortagayo in la carqaladeeyo geeddi-socodka nabadda ee Soomaaliya.

Sidoo kale booqashada Mr. Carson uu Muqdisho ku tagay oo madaxda dowladda ay ku sheegeen inay tahay muhiimad gaar ah leh, ayaa wuxuu kula kulmay madaxweynaha Somalia, Shariif Sheekh Axmed iyo ra’iisul wasaare Cabdiweli Maxamed Cali, wuxuna muddo kooban kulan  la yeeshay xubno ka socday odayaasha dhaqanka.

Mr. Carson oo ka hadlayey waxa uu ku soo arkay magaalada Muqdisho wuxuu yiri: “Dhab ahaan waxaan Muqdisho kusoo arkay ammaan, waxaana taas sabab u ahaa dadaalladii ay sameeyeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah oo dagaal la galay Al-shabaab“.

Mid ka mid ah Weriyayaashii joogay shirka Jaraa`id ayaa wuxuu  weydiiyay Johnnie Carson in Mareykanka uu dib uga furayo safaaraddiisii Muqdisho ayuu sheegay inay xaaladda iyo isbedellada ay qiimeyn doonaan ka hor inta aysan qaadan go’aan buuxa.

Dhanka kale  Mr. Carson wuxuu ku tilmaamay tallaabada  ay qaadeen wadamada Turkiga, Itoobiya, Jabuuti iyo Suudaan mid lagu farxo, kuwaas oo horay uga furay safaaradahooda Muqdisho oo haatanna si caadi ah u shaqeeya.

SomaliSwiss     Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: