Wasiirkii Amniga dalka Kenya iyo ku-xigeenkiisa oo ku geeriyooday shil diyaaradeed.

Wasiirka amniga dalka Kenya Prof. George Saitoti iyo ku-xigeenkiisa Orwa Ojode iyo afar kale ayaa maanta ku dhintay shil diyaarad Helicopter ah oo ka dhacay duleedka magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Dhimashada wasiirka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay madaxweeyne ku xigeenka dalka Kenya Mr. Kolonzo Musyoka, waxaana uu sheegay in wasiirka Amniga, ku-xgeenkiisa iyo qaar kamid ah ilaaladiisa iyo weliba laba Duuliye ay ku geeriyoodeen shilkaasi.

Sidoo kale madaxweynaha dalka Kenya Mwai Kibaki ayaa tacsi u diray dhammaan ehellada iyo qaraabada ay ka geeriyoodeen Prof. George Saitoti and Orwa Ojode.

Burburka diyaaradeed ayaa waxa uu ka dhacay keynta Ngonge oo katirsan deegaanka Kibuku, iyadoona ay halkaasi ku dhinteen wasiirka amniga, kuxigeenkiisa, labadiisii ilaalo iyo weliba laba Duuliye.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in dhacdadani ay ahayd mid xanuun badan oo lama filaan ah, wuxuuna tacsi u diray ehellada ay ka geeriyoodeen dadkii ku dhintay shilka diyaaradeed.

SomaliSwiss Nairobi

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: