Ra’isal Wasaare C/weli Gaas oo ka hadlay Dil dhowaan Ganacsade Turki ah loogu geystay magaalada Muqdisho.

Ra’isal Wasaaraha dawladda KMG Soomaaliya oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ka hadlay arrimo ay ka mid ahaayeenDil Dhawaan ganacsade u Dhashay Dalka Turkiga loogu geystay  Magaalada Muqdisho.

C/weli Gaas ayaa sheegay in Xiriirka ka dhaxeeya labada dale e Islaamka ah inuu ahaa mid soo jireen ah isla markaana markii qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya ay ka dhaceen abaaraha in Xukuumadda Ankara ay ahayd, mid si hagar la’aan ah ugu soo gurmatay Shacabka Soomaaliyeed.

Ra’isal wasaaraha Dawladda KMG Soomaaliya ayaa hoosta ka xarriiqay, in ka sokow Gurmadka Turkigu siiyaan ay gacan ballaaran ka gaysteen Mashaariic wax ku ool ah oo ay ka dhaqan gelisey Dalka Soomaaliya.

Ra’isal Wasaaraha ayaa ka hadlay Dilka dhawaan mid ka mid ah Muwaadiniinta Turkiga ee lagu dilay gudaha magaalada Muqdisho isagoona sheegey in isagoo aad uga xun arrintaa ay ka Tacsiyeeyeen isla markaana ay xukuumaddiisu waddo baaritaano lagu Ogonaayo Dadkii ka danbeeyay Dilkaas.

C/weli Gaas ayaa sheegey in Dilkaasu aanu ahayn mid haba yaraatee wax u dhimaya Xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeyay labada Xukuumadood iyo labada Shacbi.

Ra’isal Wasaaraha ayaa ku celiyay Tacsi mar kale Shacabka Turkiya uu uga tacsiyeynayo Geerida Muwaadinkaas Reer Turki isagoo si gaar ahana ugu tacsiyeey Qoyskii uu ka baxay Marxuumka.

Dhinaca kale ra’isal wasaraha ayaa beesha caalamka ka codsaday inay caddeyso Lacagaha Malaayiiyinta gaaraya ee Xukuumadda Soomaaliya lagu Eedeeyay inay Musuq maasuqday.

Lacagtaas ayuu Ra’isal wasaaruhu ku sheegey mid uusan waxba kala soconin xukuumaddiisana soo gaarin isla markaana uusan ogeyn in ay soo gaadhay Xukuumadihii tiis ka horreysey.

Cabdiweli ayaa ku baaqay in caalamku Caddeeyo Lacagahaas ay sheegayaan in la musuq maasuqay isla markaana daba gal lagu sameeyo halka ay martay lacagtaas la sheegayo in ay Lunsatay dawladda Soomaaliyeed.

Si kastaba dhawaan ayay ahayd markii Bangiga Adduunka uu sheegey in Dawladda Soomaaliya ay Lunsatay ama Musuq Maasuqday adduun Lacageed oo gaaraya Boqolaal Milyan oo Doolarka Maraykanka ah, warkaas oo soo baxay intii uu soconayay Shirkii Caalamiga ee Magaalada Istanbuul loogana hadlayay arrimaha Soomaaliya.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: