Diyaarado dagaal oo dul-heehaabaya magaalada Marka iyo dadweynaha oo cabsi ka muujiyey

Ilo lagu kalsoon yahay ee aan ka helnay magaalada Afgooye  ayaa sheegaya in hawada magaalada Marka ay dul-heehaabayaan diyaarado dagaal taasoo ay dadweynaha ka muujiyeen cabsi iyo wel wel ku aaddan waxyeelada diyaaradahaas, hase yeeshee diyaaradahan ayaa waxay raadinayaan Horjoogayaasha Al-Shabaab oo baxsadka ku ah deegaannada gobolkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa  waxay intaa ku darayaan in saacadihii ugu dambeeyay magaalada Marka lagu arkayay diyaarado dagaal oo joog hoose ku socda kuwaas oo baqdin weyn ku abuuray horjoogayaasha shabaabka ee ku sugan gobolkaasi.

Dhanka kale  waxaa la sheegay in xilliga habeebkii la maqlayo guuxa diyaarado aan marnaba ka dul tageyn magaalada Marka iyo nawaarixeeda taas oo ku kaliftay horjoogayaasha shabaab in ay marba dhan u cararaan oo habeenkii aysan ku sugnaan Karin hal meel oo kaliya.

Si kasta ha ahaatee arrintan ayaa imaaneysa xilli ciidamada dowladda iyo kuwa Amisom ay ka holwgelayaan Gobolkaasi, iyo dowaldda Mareykanka oo malaayiin doolar ku baadigoobeysa 7 horjooge oo ka tiesan Alqaaciddada Soomaaliya.

SomaliSwiss  Afgooye

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: