Taliyaha ciidamada AMISOM oo shaaciyay qorshahooda xiga howlgalkii ay kula wareegeen degmada Afgooye ee Sh/hoose

Taliyaha ciidamada AMISOM, Ugadi Kiki ayaa shaaca ka qaaday qorshahooda xiga howlgalkii ay kula wareegeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Sidoo kale Taliyahu hogaaminaya oo  howlgalka ciidamada AMISOM ay ka wadaan inta u dhexeysa Muqdisho, Afgooye iyo qaybo ka mid ah gobolka Sh/hoose oo shir jara’id ku qabtay deegaanka Buula-Low oo 5-km dhanka galbeed kaga began degmada Afgooye ayaa waxa uu sheegay in AMISOM qorshaha ay kula wareegtay degmadaasi iyo deegaanada ku xeeran midkiisa xiga uu ku wajahanyahay inta u dhexeysa Magaloyinka Balcad iyo Baydhabo ee goboladda Sh/dhexe iyo Bay.

Taliyaha ciidamada AMISOM ee gobolka Sh/hoose ayaa carabka ku dhuftay in howlgalka ay isla wadaan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya, waxaana uu intaasi raaciyay in ay la hadleen odayaasha dhaqanka ee ku sugan degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose wuxuuna hoosta kaxariiqay in odayaasha degmadaasi ay ku qanacsanyihin qaabka AMISOM iyo ciidamada dowladda uu howlgalkoodu u socdo.

Dhanka kale General Ugadi Kiki wuxuu faah faahin ka bixiyay ammaanka inta u dhexeysa Muqdisho iyo Afgooye, wuxuuna tilmaamay in wadada isku xirta Muqdisho iyo Af gooye ay u baahantahay sifeyn isagoo intaasi ku daray in waqtiyada qaar ay ka dhacaan dhibaatooyin iska yar yar.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: