Madaxweyne Shariif oo ka codsaday odayaasha dhaqanka in ay doorkooda ka qaataan wadahadalka u furmi doono dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Soomaaliland….

 Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa sheegay in aan Marnaba la xallin karin mashaakilaadka jira haddii aan la wada hadlin isalamarkaana loo baahanayahay in Odoyaasha iyo Salaadiinta doorkooda ka qaataan wadahadalkaasi lagu soo celinayo midnimada ummadda Soomaliyeed.

Madaxweyne Shariif ayaa wuxuu Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ka codsaday in ay gacan ka geystaan wadahadalka u furmi doono dowladda Soomaaliya iyo Maamulka La magac baxay Soomaaliland si xal looga Gaaro dhibaatooyinka uu tabanayo maamulkaasi.

Sidoo kale Sheekh Shariif ayaa hadalkan jeediyay mar uu shalay qado Sharaf u sameeynayay odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee loo igmaday xuliska ergada ansixinta Dastuurka cusub iyo sidoo kale xulista xubnaha baarlamanka cusub.

Hadalka madaxweynaha ayaa imaanaya iyadoo goor sii horreysay dowladda KMG ah iyo maamulka Soomaaliland ay magacaabeen guddiyo ka wadaxaajooda sidii loo mideyn lahaa ummadda Soomaaliyeed.

SomaliSwiss      Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: