Nuur Cade, Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub iyo Talyaaniga oo ku dhaawacmay Shil gaari.

Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub Danjire Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade) ayaa xalay dhaawac waxaa uu kasoo gaaray shil gaari oo ka dhacay magaalada Brussels ee caasimadda dalka Bilgium-ka xili uu kusii jeeday ka qeybgalka shir ay lahaayeen Safiirrada dalalka Afrika u fadhiya Brussels. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Danjire Nuur Cadde oo sidoo kale ahaa Safiirka Soomaaliya ee Talyaaniga ayaa shilkaan gaari ee uu ku dhaawacmay waxaa uu yimid, kadib markii gaarigiisa iyo gaari kale ay isku dhaceen ayadoo sababta arintaasi keentay ay tahay sida lasheegay darawalka Safiirka oo aan aheyn nin aan deganeyn oo Gaariga u kaxeeya si kabaxsan xad-dhaaf waxaana Safiirka la dhaawacmay darawalkaasi oo lagu magacaabo Mahdi.

Darawalka Safiirka ayaa lasheegay in magaalooyinka qaar ee ay darawalada caadiga ah ku tagaan  2 illaa 3 saacadood in uu isaga ku tago 1 saac kaliya ah. Dadbadan oo dhowr mar gaarigiisa raacay ayaa xaqiijiyay in uu u kaxeeya si xad-dhaaf ah, isla markaana ku faano in uu gaariga yahay mid Safaaradeed oo aan lala hadli karin, hadii uu siduu doono u kaxeeyo.

Wiil uu dhalay Safiirka oo lagu magacaabo Maxamed Nuur Xasan Xuseen ayaa xaqiijiyey in uu safiirka ka jabay Kalxanta.

Danjire Nuur Xasan Xuseen(Nuur Cade) ayaa hada waxaa dhaawiciisa la geeyay Isbitaal ku yaala magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Biljamka.

SomaliSwiss Brussels

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: