Dowladda Maraykanka oo Ilaa 30 Malyuun oo doolar ku bixinaysa soo qabashada madaxda Al-Shabaab.

Dowladda Maraykanka ayaa markii ugu horeysay shaacisay in ay lacag gaarayso illaa 30 Milyan oo doolar ay ku bixinayaan cidii soo sheegta ama wararka la xiriira halka ay ku sugan yihiin madaxda kooxda Al-Shabaab. HOOS KA AKHRI LIISKA MAGACYADA LASHAACIYAY.

Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa soo xigatey sarkaal sare oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibedda ee Maraykanka oo lagu magacaabo Robert Hartung oo sheegey in tani ay tahey markii ugu horreysey oo uu Maraykanka sheego in uu lacag ku bixinayo madaxda Al-Shabaab.

Reuters ayaa sarkaalkan wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka ka soo xigatey in ragga lagu bartilmaameedsanayo mashruucan ay kamid yihiin:-

1- Axmed Cabdi Aw Maxamud (GODANE)   $ 7 Milyan.

2- Ibrahim Xaaji Miicaad (AFGHANI)            $ 5 Milyan.

3- Fu’ad Maxamad Khalaf (SHONGOLE)      $ 5 Milyan.

4- Bashir Maxamad Maxamuud.                      $ 5 Milyan.

5- Mukhtar Robow (ABU MANSOOR)           $ 5 Milyan.

6. Sakariye Ismaciil                                                 $ 3 Milyan.

7. C/laahi yare (Madiir)                                         $ 3 Milyan.

Sidoo kale saraakiil badan oo kale ayaa ku jiro liiskan.

Maraykanka waxaa uu mashruucyada noocan ah ku bixiyey lacag dhan 100 Milyan oo doolar tan iyo intii la bilaabey 1984, waxaana lagu bartilmaameedsadaa ururrada ku jiro Liiska Argagixisada ee Maraykanka.

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: