Advertisements

Madaxweyne Shariif oo odayaasaha Dhaqanka u sheegay in looga baahan yahay inay soo xulaan dad aqoon leh oo dastuurka ansaxiya si loogu gudbo marxalada KMG ah.

Madaxweynaha Dowladadda KMG Soomaaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta  booqasho ku tagay  Xarunta Odayaasha dhaqanka Soomaaliyeed uga socda shirkooda, wuxuuna u sheegay in Odayaasha looga baahan yahay inay soo xulaaan ergadii ansixin lahayd dastuurka cusub ee uu Dalka yeelanayo.

Sidoo kale qaar ka mid ah Odayaasha dhaqanka ayaa Su’aalo ku aadan dastuurka Weydiyay Madaxweynaha, waxaana Su´aalahaas ka mid ahaa awooda ay ku leeyihiin.Odayaasha dhaqanka.

Balse Madaxweynaha Dowladda KMG Soomaaliya ayaa sheegay in odayasaha looga baahanyahay in ay soo xulaan dad aqoon leh oo ansaxiya dastuurka si looga baxo marxalada KMG ah waxa uuna odayaasha ku booriyay in la dadajiyo.

Dhanka kale R/wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha C/wahaab Ugaas Xuseen oo kulankaas ka hadlay ayaa isna sheegay in lagama maarmaam ay tahay in odayaasha dhaqanka ay dar dar galiyaan howlaha dastuurka si loo hordhigo culumaa’udiinka Soomaaliyeed.

SomaliSwiss     Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: