Wadaadadii Urur Diimeedka oo intooda badan u tartamaya Kursiga madaxtinimada dalka Soomaaliya.

Dr. C/raxman M. C/llaahi Baadiyoow oo xubin sare ka ah Urur-Diineedka Al-Islaax ayaa maanta ku dhawaaqay inuu yahay musharax u tagaan qabashada xilka madaxweynenimada dalka Soomaaliya. HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Waxaa uu Dr. Baadiyow maanta shir jaraa’id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho, waxaa uuna sheegay in uu damacsan yahay in uu u tartamo xilka Madaxtinimada dalka Soomaaliya, isla markaana halkaasi ka sheegay waxa uu qaban doono haduu ku guuleysto.

Waxaa uu yiri Dr Baadiyow “Anigu markaan madaxweyne noqdo waxaan soo bandhigayaa hantidayda, waxaana aan ogolaanayaa in sanad walba la igula xisaabtamo hantida aan haysto” waa sida uu yiri.

Kadib markii uu kursiga madaxtinimada ku guuleystay Shariif Sh. Axmed oo xubin sare ka ah Urur-diimeedka Aala-Sheikh ama Majmac, ayaa waxaa bilowday xusul-duub iyo damac ku faafay dhamaan xubnaha Urur-diimeedyada Soomaaliya, sida xubnaha Ururka Al-Islaax oo damacaasi uu gayaysiiyay in ay u kala jabaan saddex qeybood oo qeyb walba uu u taagan yahay musharax gooni ah.

Dhowr sanno ka hor ayuu Ururka Islaax u kala jabay laba Urur oo kala ah Damu-Jadiid oo macnaheedu yahay (Dhiiga Cusub) iyo Al-Islaax oo isna markii dambe u sii kala jabay laba garab oo ay kala hogaamiyaan Dr. Cali Dhaare iyo Sh. Maxamed-Garyare.

Ururka Al-Islaax ayaa xubin dowliya ka ah Urur-diimeedka weyn ee Ikhwaanu Muslimiin oo xaruntiisu ay tahay dalka Masar.

Waxaa kaloo Ururka Al-Islaax u sharaxan maamulihii hore ee Mac-hadka SIMAD Xasan Sheikh Maxamud oo isna la filayo in uu dhawaan ku dhawaaqo in uu u taagan yahay musharaxnimada dalka.

Waxaa sidoo kale isna musharaxnimada u tartamaya C/raxman C/shakuur oo horay uga tirsanaan jiray Ururka Al-Islaax, laakiin hada sheegta in uu ka baxay Ururkaasi, jaga wasiirnimana kasoo qabtay dowladda KMG Soomaaliya ee uu hada madaxweynaha ka yahay Shariif Sheikh Axmed .

Wadaadadan Urur-diimeedyada dalka Soomaaliya oo usoo kala tartamayay dhexdooda qabashada kursiga madaxtinimada Soomaaliya tan iyo sanidihii todobaatameeyadii ayaa noqday dhibaatada ugu weyn ee ku habsatay Soomaaliya, kadib markii ay hubka u qaateen shacabkii Soomaaliyeed ee la rabay in ay waxbaraan, natiijadoodiina ay noqotay in ardaydoodii Al-Shabaab ay wadooyinka ku gowracaan dad Muslimiin ah oo aan waxba galabsan.

Fursadda iyo nasiibka Shariif Sh. Axmed uu ku guuleystay kursiga madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa ku xambaartay rag fara badan oo Urur Diimeedya ah in ay kursigaas ku raadiyaan Hub, Lacag iyo wax walba oo ay awoodaan.

SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: