Madaxweyne Museveni oo ku wacyi geliyey Madaxda Soomaalida inay ka dheeraadaan khilaafyada Siyaasadeed inta ka dhiman waqtiga kala guurka.

 Madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni ayaa uga baaqay madaxda Soomaalida inay ka fogaadaan khiaafyada siyaasadeed ee dib ugu soo laabta  muddada yar ee ka harsan xilliga kala guurka  ee  looga guurayaa DKMG ah, loona guuraya Dowlad Rasmi ah.

Madaxweyne Museveni ayaa ayaa ka qayb galay kulankii  looga hadlayey arrimaha Soomaaliya, wuxuuna si gaar ah kulan  kula yeeshay dalka Turkiga Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif iyo ra’iisul wasaare, Cabdiweli, kaddib markii uu dhammaaday shirkii Istanbuul II.

Mudane Museveni oo arrintaas ka hadlay wuxuu yiri: “Ammaanka Soomaliya oo la adkeeyo iyo in dadku ay helaan nabad ay ku doortaan hoggaamiyeyaashooda waxay ku xiran tahay hadba horumarka laga sameeyo isku xirka bulshada”.

Madaxweynaha Uganda wuxuu sheegay in Soomaalida aysan xilligan ku habboonayn inay go’aansadaan inay odayaasha-dhaqanka beelaha u wakiishaan inay soo xulaan xubnihii bedeli lahaa kuwa hadda shaqeynaya marka la gaaro bisha Ogoosto.

Balse Madaxweyne Museveni wuxuu madaxda Somalida ku adkeeyay in odayaasha beelaha ay soo xulaan xubno lagu kalsoon yahay, kuwaasoo uu sheegay inay xal ka gaari karaan murannada taagan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa uga mahadceliyay Museveni talooyinka uu siiyay, isagoo sheegay in khaladaad ay imaan karaan, balse ay ku dadaali doonaan sidii ay ku sixi lahaayeen. Isagoo intaas ku daray in odayaasha-beelaha ay dhisi doonaan guddi xaliya khilaafaadyada.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isaguna ka mahadceliyay fikirka ku aaddan in doorashada madaxda ay noqoto mid ka timaadda dadweynaha, wuxuuse intaas ku daray in dalka uusan xilligan u diyaarsanayn arrintaas.

Cabdiweli Gaas, wuxuu dhinaca kale soo dhaweeyay taageerada dowladda Uganda ee dhinaca ciidamada ah, isagoo u sheegay Museveni in shacabku ay si rasmi ah u soo dooran doonaan hoggaamiyeyaashooda, balse la joogo xilligii ay odayaasha beeluhu shaqeyn lahaayeen.

Si kasta ha ahaatee madaxweynaha Uganda waxaa ugu dambeyntii uu  sheegay in joogitaanka Ciidamada dalkiisa dalka Soomaaliya ay caddeyn u tahay sida ay uga go’an tahay inay shacabka Soomaaliyeed ka caawiyaan sidii ay u xaqiijin lahaayeen lasoo laabashada xorriyadooda, ayna ku gaari lahaayeen xilli ay hoggaamiyeyaashooda soo doortaan.

SomaliSwiss   Kampala

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: