Ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cali M. Yuusuf oo lagu xakumay 15-sano xarig ah iyo waliba in uusan xil dambe ka qaban karin dowladda Soomaaliya.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa maalintii labaad waxaa ay u fariisatay dhagaysiga dacwad loo haystay ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cali Maxamed Yuusuf, kaas oo lagu eedeeyay in uu galay dambiyo kala duwan.

Maxamed Xasan Nuur oo ah Mas’uul katirsan Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cali Maxamed Yuusuf uu galay dambiyo kala duwan oo isugu jira ku takri falka hanti Qaran, mid dadweyne iyo in sidoo kale uu isticmaalay awood uusan laheyn sida uu hadalka u dhigay.

Mas’uuliyiinta Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa Maxkamadda horkeenay Dukumiintiyo iyo 5-Martqaati, kuwaas oo ay sheegeen in ay ku cadeynayaan dambiyada loo haysto Cali Maxamed Yuusuf. 

Guddoomiyaha Maxkamada sare Axmed Ceydiid C/laahi Ilka-Xanaf ayaa sheegay in uu amar ku bixiyay in eedeysane Cali Maxamed Yuusuf meeshii lagu arko lasoo xiro.

 Ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cali Maxamed Yuusuf ayaa lagu xakumay 15-sano oo xarrig ah iyo waliba in uusan xil dambe ka qaban karin dowladda Soomaaliya, waxaana xukunkaasi ku dhawaaqay guddoomiyaha Maxkamadda gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur.

Si kasta ha ahaatee waxaa xusid mudan in goobta uu xukunka ka dhacayay uusan ku sugneyn ku xiggeenka Xeer ilaaliyaha guud ee Qaranka Cali Maxamed Yuusuf, kaas oo lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: