Daawo Muuqaalkii shalay iyo sawirada Ciyaartii furitaanka horyaalka 37aad ee Kubadda cagta dalkeenna Soomaaliya.

Garoonka Jaamacadaha ee magaalada Muqdisho ayay shalay gelinkii dambe si rasmi ah uga furmay horyaalka 37aad ee kubadda cagta Dalka Soomaaliya, wuxuuna dhex mari doonaa tartanku ilaa 8 (Sideed) kooxood oo ka tirsan kooxaha heerka Koowaad.

HOOS KA DAAWO SAWIRADA

Furitaankii tartanka ee shalay galabtii waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya, Xiriirka Kubadda Cagta, Gudiga Olombikada iyo kumanaan kun oo shacab ah kuwaasi oo ka kala yimid xaafadaha kala duwan ee magaalada Muqdisho iyo meelaha nawaaxigeeda ah ee u dhow.

Ciyaartii ugu horeysay ee tartanka lagu furay shalay waxay dhex martey kooxaha Elman iyo Badbaado waxay ciyaartaasi waqtigii loogu talagalay ku dhamaatay  3-1 oo ay guusha ku raacday kooxda Elman.

Horyaalka 37aad ee  Kubadda Cagta Dalkeenna ayaa ka socon doona magaalada Muqdisho ayadoo bilowga tartankaanina uu imaanayo xilli isbedello dhanka horumarka ah ay ka jiraan magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

SomaliSwiss Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: