Taliyaha ciidamamda Dambi Baarista Booliska oo faafaahin ka bixiyey Walxa qaraxo oo laga soo saaray deegaanada loo barakacay.

 Taliyaha ciidamamda Dambi Baarista Booliska ayaa faafaahin ka bixiyey Walxa qaraxo oo ay ciidamadu ka soo saareen deegaanada loo barakacay, wuxuuna sheegay in Ciidanka ay ku guuleysteen howlaha lagu baarayey walxaha qarxa si loo adkeenayo ammaanka. Wuxuuna shaaca ka qaaday  in dhaqan celin loo sameynayo malleeshiyaadkii ay ka soo qabteen deegaanadaasi.

General C/llaahi Xasan Bariise oo ah Taliyaha hoggaanka Dambi Baarista ciidammada Booliska Soomaaliyeed ayaa sheegay in ciidammada Booliska Soomaaliyeed howlgallo is-daba joog ah oo ay ka sameeyeen deegaannada loo barakacay ee gobolka Shabeellada Hoose in ay gacanta ku soo dhiggeen walxaha qaraxa ee ay xarakada Al-Shabaab uga carareen saldhigyadooda, wuxuuna tilmaamay in qaraxyaasi ay dhibaato xoog leh geysan lahaayeen haddii aan laga saari lahayn meelaha lagu qariyey.

Sidoo kale General Bariise wuxuu xusay in ciidamada Booliska ay gudaha u geleen xerooyin ay Al-Shabaab qaraxyada ku diyaarin jireen oo ay ku diyaarsanaayeen qaraxyo badan, laakin ciidammada Booliska Soomaaliyeed ay ku guulleysteen in ay si xeeladeysan u soo saaraan.

General Bariise wuxuu hoosta ka xariiqay in howlgallada looga hor taggayo wuxuu qaraxyada iyo falalka amni darro in aysan joogsan doonin inta laga xaqiijinayo guud ahaan ammaanka goobihii Al-Qaeda laga saaray.

Ugu danbeyntii General C/llaahi Xasan Bariise wuxuu soo haddal qaaday waxa ay ka yeeli doonaan malleeshiyaadkii lagu soo qabtay howlgallada, waxa uuna sheegay in raggaasi ay Dhaqan celin u sameyn doonaan, maadaama Heykalka dowladnimo uu dhiggayo in illaa iyo xad dowladdu ay ku dadaasho in la wacyi galiyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee uu cadowga Maskaxda ka khalday

SomaliSwiss   Muqdisho

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: