R/Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya oo la kulmay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga. (SAWIRO)

Ra’isal Wasaaraha Xukuumadda KMG Soomaaliya Cabdiweli Gaas ayaa kulan ballaaran la qaatay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Turkiga, gaar ahaan Ardayda wax ka barata Dugsiyada iyo Jaamacaddaha dalkan.

Sidoo kale Ra’isal Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa ku wehlinayay Safiirka cusub ee Turkiga Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan,

Wasiirka Maaliyadda, Wasiirka Qorsheynta, guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo xubno ka tirsan xafiiskiisa.

Ugu horeyntii wuxuu Ra’iisul Wasaaruhu uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga ee u ogolaaday waxbarasho lacag la’aan ah inay siiyaan ardayda Soomaalieyed ee mustaqbalka dhow noqon doona hogaanka dalka iyo dadka, hase ahaatee Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu ardayda ku baraarujiyay inay ka faa’iideystaan fursadan oo aaney beerdareyn, waxaana dalkan Turkiga wax ka barta si lacag la’aan ah arday tiradoodu gaareyso 1,500.

Dhanka kale Ardayda ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday inay u baahan yihiin in safaaradda Soomaaliyeed ay si dhow ula shaqeyso ardayda oo iyagu soo jeediyay baahiyo ku aadan fududeynta xiriirka Turkiga iyo ardayda, waxayna si gaar ah uga dalbadeen goob ay ku shaqeystaan ardaydu marka ay doonaan inay qortaan codsiyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa goobta ku baray ardadya safiirka cusub ee dowladda Soomaaliyee uga wakiilka noqon doona dalka Turki.

Safiirka u fadhiya Soomaaliya dalka Turkiga Mudane Maxamed Mursal Sh. C/raxmaan oo goobta ka hadlay ayaa u balan qaaday ardadya in wixii dhaliilo ahna la saxi doono, wixii baahi ah oo jirana ay dabooli doonto safaaradda intii karaankeeda ah.

Waxaa kaloo munaasabaddaas ay ardayda su’aalo weydiiyeen Ra’iisul Wasaaraha kuwaasoo uu uga jawaabay, balse Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu  sharaxaad dheeri  ka siiyay ardeydu muhiimada ay waxbarashadu u leedahay qofka, qoyska, iyo Qarankaba.

SomaliSwiss   Istanbul

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: