Maamulka G/Banaadir oo si rasmi ah billaabay Hirgelinta isticmaalka Nalal ku shaqeynaya Solar Energy

Maamulka gobolka Banaadir ayaa maanta si rasmi ah uga hirgaliyey qeybo ka mid ah waddooyin magaalada Muqdisho Nalal ku shaqeynaya Solar oo uu maamulka gobolka Banaadir uga deeyday dowladda Norway.

HOOS KA DHEGAYSO WARBIXINTA

Xog-hayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan ayaa sheegay in maanta ay si tijaabo ah waddada Maka Al-Mukarama uga wadaan Mashruuc Nalal lagu galinayo waddooyinka, kuwaasi oo uu sheegay in ay ku shaqeynayaan illeyska Qoraxda, isagoo iintaa ku daray in mashruucaani uu qeyb weyn ka qaadanayo amniga caasimadda.

Sidoo kale xog hayaha ayaa tilmaamay in tijaabada Nalalka lagu  galinayo waddada Maka Al-Mukarama kaddib in guud ahaan waddooyinka caasimadda ay ka hirgalinayaan, si magaalada Muqdisho ay uga mid noqoto caasimaddaha Qaaradda Africa ugu quruxda badan.

Waxa uu tilmaamay in mashruucan ay ka gacan siisay dowladda Norway, isagoo intaa raaciyey in maamulka gobolka Banaadir uu sidoo kale qorsheynayo in dib Muqdisho looga hirgaliyo Nalalkii Samaafaraha ee loogu talagalay in ay kala haggaan gaadiidka waddooyinka caasimadda.
waxaana warbixintaan maqalka ah nooga soo diray Muqdisho weriyaha SomaliSwiss Ibrahim Isxaaq.
HALKAAN KA DHEGAYSO WARBIXINTA.


SomaliSwiss Muqdisho
SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: