Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya oo gacanta ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa oo marayey Deegaanka Hoosingow.

 Ciidammada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan deegaanka Hoosingow ee gobolka Jubbada Hoose ayaa gacan ku dhigay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa iyo Maleeshiyaadkii la socotay.

Saraakiisha ciidammada ayaa sheegay in shalay galinkii dambe ay gacanta ku dhiggeen gaarigaas wuxuuna ku sii jeeday gudaha dalka Kenya, iyo sidoo kale raggii la socoday gaarigaasi oo ay saraakiishu sheegeen in hadda ay ku jiraan xabsi ku yaalla Tuulada Hoosingow.

Sida ay sheegeen Saraakiisha ciidammada, in ragga gaari la socday ay qireen in ay ku wajahnaayeen gudaha dalka Kenya, si ay gaarigaasi qaraxyada ay ugu sii gudbiyaan magaalooyin kale ee dalka Kenya.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegtay in ay wadaan baaritaanno ku aadan halka laga soo abaabulay gaarigaani qaraxyada waday, waxayna Caddeeyeen in baaritaan kaddib ay sharciga hor keeni doonaan ragga ay gacanta ku dhigeen.

SomaliSwiss   Afmadow

SomaliSwiss@hotmail.com

%d bloggers like this: