Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey oo sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xoojinta dhismaha ciidammadeeda Qalabka Sida.

 Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-Moon ayaa sheegay in Soomaaliya ay u baahan tahay xoojinta dhismaha ciidammadeeda Qalabka Sida, Caalamkuna uu xoogga saari doono arrintaasi, isagoo dhinaca kale ku ammaanay ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya dadaalka ay ku bixiyeen nabaddeynta dalkooda.

Sidoo kale Mr. Ban Ki-Moon oo khudbad jeediyay shirka ka dhacay Istanbul ayaa sheegay in Muqstaqbalka ay Soomaaliya u baahan tahay ciidammo qalabeysan oo ammaanka dalka la wareega ka hor inta aysan ciidammada AMISOM ka bixin Soomaaliya, si Soomaaliya a u noqoto qaran dheeli tiran.

Dhinaca kale Mr. Ban ki-moon oo hadalkiisa sii wato wuxuu sheegay in ciidammada Qalabka Sida ay yihiin ciidammada kaliyah ee soo afjari kara la dagaallanka Al-Qaeda iyo burcad badeedda, wuxuuna intaa raaciyay in arrintaasi ay muhiimadda koowaad siinayaan, si looga dhabbeeyo kaalinta beesha caalamka ee taageeridda Soomaaliya.

Ugu danbeytii Ban Ki-Moon wuxuu ku ammaanay ciidammada Qalabka Sida doorka ay ka qaateen nabadgalyada dalkooda, isla markaana ku boggaadiyey in ay sii wadaan sugidda amniga iyo la dagaallanka argagixisada, isagoo xusay in caalamku il gaar ah ku eegi doono dhismaha ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.

SomaliSwiss   Istanbul

SomaliSwiss@htmail.com

%d bloggers like this: