Advertisements

Madaxweyne Shariif iyo Wafdigii uu hogaaminayay oo galabta gaaray wadalka Tanzania.

 Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jdowladda KMG Soomaliya Mudane Shariif Sheekh Axmed  ayaa galabta gaaray magaalada Arusha ee dalka Tanzania, Madaxweyne sheekh Shariif iyo wafdigiisa waxaa si diirran Ugu soo dhoweeyay madaxa sar sare ee wadanka Tanzania.

Waxaa Madaxweyne Shariif ku wehliyey socdaalkiisa R/wasaare ku Xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise, wasiirka Arrimaha dibadda C/llaahi Xaaji Xasan, Wasiirka haweenka iyo Daryeelka qoyska Marwo Maryam Aweys Jaamac iyo mas’uuliyiin kale, Waxaana garoonka diyaaradaha magaalada Arusha si diirran ugu soo Dhoweeyay mas’uuliyiin k atirsan dowladda Tanzania iyo Safaaradda Soomaalida ee Dalkaasi.

Sida la sheegay Booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa ka dambeysay kadib Markii uu casuumaad rasmi ah ka helay dhiggiisa dalka Tanzania Jakaya kiguweti.

Sidoo kale Kulan ayaa hatan labada Madaxweyne uga socda qasriga Madaxtooyada dalka Tanzania kaas oo looga arrinsanayo arrimo ku Saabsan xiriirka labada dal, siyaasadda amniga iyo kor u qaadista xiriirka Diblomaasiyadeed ee ka dhexeeya labad dowladood.

Labada Madaxweyne ee Sheekh Shariif iyo Jakai Kekwete ayaa ka wada hadlay xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Tanzania oo xiriir qoto dheer uu ka dhaxeeyey iyo sidii ay Dowladda Tanzania uga qeybqaadan laheyd dadaallada ay hada wado DKMG.

Danka kale Madaxweynaha dalka Tanzania Jakai Kekwete ayaa ugu horeyn ku bogaadiyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed guullaha ay hada gaartay Dowladda ee dhinacyada ammaanka iyo Siyaasadda waxaana uu ku bogaadiyey iney soo socdaal howlahaasi oo ay ugu muhiimsantahay hirgelinta hanaanka Road-Mapka ee dalka looga saarayo KMGnimada.

Si kasta ha ahaate markii kulankaasi la soo gebageboobay ayaa waxaa Warbaahinta wareysi siiyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Mudane C/laahi Xaaji Xasan, wuxuuna sheegay in labada Madaxweyne ay sidoo kale kawada hadleen arrimo ay ka mid tahay tababarrada la siinayo Ciidammada Soomaaliya taasi oo qeyb ka ah dadaallada ay Dowladda dib ugu dhiseyso Ciidammadeenna Qalabka Sida islamarkaana ay labada Madaxweyne isku afgarteen dhamaan waxyaabihii ay ka wada hadleen.

SomaliSwis       Arusha

SomaliSwiss@hotmail.com

Advertisements
%d bloggers like this: